Borama News Network

Tirada dadka ku dhimanaya Suudaan oo korortay

Tirada dadka ku dhimanaya dagaallada sokeeye ee Suudaan ayaa aad uga badan intii hore loo sheegay, sida lagu sheegay daraasad cusub.

In ka badan 61,000 oo qof ayaa ku dhintay gobolka Khartoum, halkaas oo uu dagaalku ka billowday sannadkii hore, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay kooxda cilmi-baarista oo ka socotay London School of Hygiene iyo Tropical Medicine.

26,000 oo ka mid ah dadkaasi ayaa lagu dilay rabshado toos ah, iyadoo la xusay in sababta ugu badan ee dhimashada guud ahaan Suudaan ay tahay cudurro iyo gaajo laga hortagi karay

Dad badan oo kale ayaa ku dhintay meelo kale oo dalkaasi ka tirsan, gaar ahaan gobolka galbeedka ee Darfur, halkaas oo ay marar badan ka dhaceen tacadiyo iyo isir sifayn.

Shaqaalaha gargaarka ayaa sheegay in colaadda 19-ka bilood ka socota dalka Suudaan ay abuurtay xaalad bini’aadantinimo oo ah tii ugu darneyd, iyadoo kumannaan qof ay halis ugu jiraan macluul.

Related posts

Xamar Iyo Turki Midna Ma Iman Karo Badeena” Xildhibaan Guruuje

Abdiaziz Bnnstaff

Dagaalka Sokeeye Ee Dalka Sudan Oo Sanad Jirsadau Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xaalada Dalka Sudan

Abdiaziz Bnnstaff

Maayirka Magaalada Hargeysa Iyo Muwaadin Kale Oo Ay Dacwadi Ugu Furantay Maxkamada Hargeysa

Abdiaziz Bnnstaff