Borama News Network

Tirada dadka ku dhintau dhul go’i Itoobiya oo gaartay 230 qof

Dalka Itoobiya, waxaa korortay tirada dadka ku dhintay laba dhul go’ oo Axaddii iyo Isniintii ka kala dhacay gobolka Koofureed ee dalkaasi dhaca bariga Africa.

Saraakiisha Dowladda Itoobiya ayaa sheegay in tirada meydadka laga soo saaray dhoobada hoosteeda ay kor u dhaafeen 229 qof, walina laga cabsi qabo in ay jiraan tobnaan kale oo ku aasan dhoobada.

Kassahun Abayneh oo ah afhayeenka maamulka degmada Gofa ee ismaamulka Gobolka Koofureed ee Itoobiya, ayaa wakaaladda wararka ee Reueters u sheegay in roobab mahiigaan ah oo Axaddii da’ay ay sababeen dhul go’a khasaaraha dhaliyay.

Madaxda Waaxda Misoobiyinka Qaran ee magaalada Gofa, Markos Melese ayaa isna Rueters u sheegay, in in ay wali helayaan meydad hor leh isla markaana aysan garaneyn xilliga ay jooji doonaan howlaha gurmadka.

Khasaaraha xooggiisa ayaa dhacay Isniintii, kaddib marki dad gurmad ahaan ugu yimid badbaadinta dhibanayaashi ku waxyeelloobay dhul go’i Axaddii, uu ku dul habsaday dhul go labaad.

Ra’isulwasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa sheegay in uu aad uga xumaaday khasaaraha ba’an ee soo gaaray dadka, isaga oo intaasi raaciyay in ay goobta u direen saraakiil heer federal ah, si loo yareeyo saameynta masiibada.

Related posts

Hal milyan oo dollar oo lagu wareejiyay shirkadd dhisaysa qeyb kamida dhismaha suuqa Waaheen.

Abdiaziz Bnnstaff

Maayir Cidin Oo Ka Hadlay Maayarada La Bedeley Iyo Leydhka Berbera Oo Laga Cabanayo

Abdiaziz Bnnstaff

” Awooda La Loodin Waayay Ee Na Loo Soo Mari Waayay Iyadoo Laysku Dayay In La Bacaraariyo Waddani” Gudoomiye Xirsi

Abdiaziz Bnnstaff