Borama News Network

Tirada Soomaalida iyo dadka kale ee Carbeed ee Mareykanka ku galay Viisaha oo la shaaciyay

Dowladda Mareykanka ayaa sannadkii tagay boqolaal kun oo qof u oggolaatay in dalkeeda sifo sharci ah ama viiso ku galaan, waxaana dadkaasi ku jira dad badan oo Soomaaliyeed iyo kuwa kale oo Carab ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka ayaa soo saartay warbixin sanadeedka ay ku shaaciso tirada guud ee viisooyinka ama dal-kugalka ee la bixiyay sannadkii hore ee 2023, viisooyinkaasi oo dad badan ku galeen Mareykanka.

Warbaahinta dalka Mareykanka oo soo xignaya warbixinta wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Mareykanka ayaa sheegay in tirada guud ee viisooyinka la bixiyay sannadkii hore ay gaarayaan 562,000 oo Fiiso ah.

Dadka Soomaaliyeed ee sannadkii hore dalka Mareykanka ku galay viisaha ayaa gaaraya 837 qof, dadkan Soomaaliyeed ayaana ka tagay meelo kala duwan, iyagoona qaabab kala gedisan ku helay viisooyinka.

Halkan ka AKhriso tirada dalalka Carbeed ee dadkooda la siiyay Viisooyinka sanaddkii hore

1- Masar 5,944 Fiiso,
2- Urdun 5,447 Fiiso,
3- Yemen 5,323 Fiiso,
4- Morocco 4,729 Fiiso,
5- Algeria 4,657 Fiiso,
6- Sudan 2,878 Fiiso
7- Iraq 2,272 Fiiso
8- Syria 2,100 Fiiso,
9- Lebanon 1,793 Fiiso
10- Saudi 1,094 Fiiso,
11- Somalia 837 Fiiso,
12- UAE. 716 Fiiso,
13- Libya 558 Fiiso,
14- Kuwait 541 Fiiso,
15- Qatar 365 Fiiso,
16- Tunisia 306 Fiiso,
17- Mauritania 169 Fiiso,
18- Djibouti. 69 Fiiso,
19- Bahrain 53 Fiiso,
20- Oman 47 Fiiso,
21- Comoros 4 Fiiso

Related posts

Daawo:- Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Weerarka Ay Iran Ku Qaadday Israa’iil

Abdiaziz Bnnstaff

Milatariga Dalka Burkino Faso Oo Shan Sano Ku Darsaday Mudo Xileedka Ay Haynayaan Talada Dalkasi

Abdiaziz Bnnstaff

“Wada Hadaladii Ugu Horeeye Ee Somaliland Iyo Somalia Waxa Lagu Soo Qaaday in La Mideeyo Somaliland Iyo Somalia” Aden Muuse Jibriil

Abdiaziz Bnnstaff