Borama News Network

Tobannaan mehrado ganacsi oo ku bas beelay dab xalay ka kacay suuq ku yaala duleedka Muqdisho

Tobannaan dukaan oo lagu iibinayay alaabo kala duwan ayaa xalay ku bas beelay dab ka kacay suuq ku yaala deegaanka Ceelasha Biyaha oo u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye.

Illaa hadda dawladdu kama hadlin waxa dhaliyay dabka ka kacay suuqa, hayeeshee ganacsato ku hanti beelay dabka oo diiday in magacooda la xigto ayaa BBC-da u sheegay in qarax la dhigay mid kamid ah dukaamada ku yaala suuqa oo qarxay uu keenay in dab ka kaco, halkaasna ay ku gubtaan mehrado ganacsi.

Dabka oo muddo socday ayaa keenay in dhammaan meharado ku yaalay hal sekad ay baa ba’aan, iyadoo hantida ku gubatay lagu qiyaasay boqollaal kun oo doolar.

Hay’addaha ammaanka ee dawladda ayaa ku amray gancsatada suuqa Ceelasha Biyaha in ay meharadahooda ku xiraan kaamirooyinka CCTV si loola socda dhaqdhaqaaqa kooxaha wax arbusha. Taasi waxay ka caraysiisay kooxda Al-Shabaab oo la rumeysan yahay in ay ka dambeysay qaraxa in kastoo aanay sheegan.

Related posts

Ugu yaraan 124 qof oo ku dhintay shil diyaaradeed xilli ay ku degeysay garoonka diyaaradaha ee Kuuriyada Koonfureed

Abdiaziz Bnnstaff

Hadii Dalkii Badh La Waayay Bulshadu Isbedel Ayay U Baahantahay” Wasiir Hore Duur

Abdiaziz Bnnstaff

Qaar kamid ah Dadka Baladweyne oo billaabay in ay ka barakacaan Daadadka Roobka Guga & Fatahaadda Webiga Shabeelle.