Borama News Network

Tower 22: Saldhigga Milatari Ee Ay Doonayeen In Mareykanka iyo Urdun Ay Qariyaan Ee La Weeraray

Kaddib markii saddex askari oo Maraykan ah lagu dilay weerar ay diyaarad aan duuliye lahayn ku qaadday saldhigga ciidammada Maraykanka ee Urdun, ayuu madaxweyne Biden ku sheegay bayaan uu soo saaray Talaadadii in uu go’aansaday sida uu uga falcelinayo weerarkaas.

Isagoo warbaahinta kula hadlayay Aqalka Cad, madaxweyne Biden ma uusan faah faahin hadalladan, balse wuxuu yiri ‘ma filayo inaan dagaal ballaaran ku qaadno bariga dhexe’.

Waxaa xusid mudan in koox hubaysan oo Iran taageerto ay sheegatay mas’uuliyadda weerarka, waxaana sidoo kale weerarka lagu dhaawacay tobanaan askari.

Waa markii ugu horeysay oo askar Mareykan ah lagu dilo bariga dhexe tan iyo markii Israel ay duulaan ku qaaday Qaza.

Hase yeeshee arrinta xiisaha leh ayaa waxa ay tahay in Saldhigga Milatari ee ay Kooxda Maleeshiyada ah weerartay uu ahaa mid qarsoon oo ay wada degganaayeen Maraykanka iyo Urdun, weerarkaas kadib, waxa uu hadda noqday mid indhaha Caalamka ay hayaan.

Related posts

Xuutiyiinta Dalka Yeman Oo War Ka Soo Saaray Duqaymihii Xalay Ay Reer Galbeedku Ka Fuliyeen Dalkaasi

Abdiaziz Bnnstaff

Daawo Gabadha 9 Sano Jirka Somaliyeed Ee Ka Yaabsatay Muslimiinta Ohio

Abdiaziz Bnnstaff

56 Sano ka dib shacabka Muqdisho oo u dareeray goobaha diiwaan gelinta Cod bixinta doorashada.

Abdiaziz Bnnstaff