Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixay amarro madaxwayne oo xiriir ah oo looga gol leeyahay in agu xakameeyo socdaalka iyo soo-galootiga.
Laga soo bilaabo amar ka hortagaya qeexidda dhalashada, ilaa amar lagu sheegay socdaalka sharci darrada ah ee xuduudda xaalad degdeg ah oo qaran, Trump wuxuu kale oo si degdeg ah u qaaday tallaabooyin uu ku adkeynayo xadka Mareykanka iyo Mexico.
Laakiin qaar ka mid ah amarradaas – gaar ahaan amar kasta oo ujeedadiisu tahay in la beddelo qeexida dhalashada ama in caruurta soogalootiga ee Mareykanka ku dhashay ay yihiin muwaadiniin- waxay u badan tahay inay la kulmaan mucaarado dhanka sharciga ah.
Trump ayaa horay wacad ugu maray in siyaasadaha uu ugu yeerey “burburinta” ee Aqalka Cad ee Biden ay meesha ka bixi doonaan muudo “shan daqiiqo gudahood”.
Saacado ka hor, kumannaan muhaajiriin ah ayaa la joojiyay ballamihii socdaalka ka dib markii maamulka cusub uu meesha ka saaray CBP One, oo ah app-ka loo isticmaalo in lagu talagalay in balamaha wareysiya ay ku qabsadaan soo-galootiga goobaha laga soo galo xadka.
Khudbadiisii dhaarta ka dib, Trump wuxuu wacad ku maray in “dhammaan gelitaanka sharci darrada ah la joojin doono” iyo in malaayiin “shisheeye dambiilayaal ah” la tarxiili doono.
Waxa uu sidoo kale saxiixay amar uu ku sheegayo kooxaha daroogada Mexico ururada argagixiso.
Mar sii horeysay , Trump wuxuu si rasmi ah uga noqday ku dhawaad 80 amaro fulineed – oo uu ku tilmaamay “xagjir” – oo kuwaas oo horey uu ay horey u hirgaliyeen maamulkii Biden.
“Ma jirto mas’uuliyad ka sareysa inaan dalkeenna ka difaacno khatarada iyo duullaanka,” ayuu Trump ku yiri khudbadiisii ugu horreysay ee uu ka jeediyay Aqalka Capitol-ka Mareykanka gelinkii hore ee maanta xilliga Mareykanka.
Iyada oo qayb ka ah qorshaha ballaaran, saraakiisha maamulka Trump ayaa sheegay in madaxweynaha uu ku amrayo Waaxda Difaaca inay “xakameyso xadka” oo ay u huraan agab iyo shaqaale dheeri ah, oo ay ku jiraan awoodaha ka hortagga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Horaantii, saraakiisha maamulka Trump ee xukunka la wareegi doonta waxay sheegeen in tillaabooyinkaasi ay la mid yihiin abuurista “siyaasadda socdaalka oo la jaanqaadaysa dareenka guud”.
In kasta oo aan faahfaahinta amarkan aan weli la ogeyn, haddana saraakiisha ayaa sheegay in Trump uu qorsheynayo inuu joojiyo xaqa dhalashada , taasoo la micno ah in carruurta muhaajiriinta aan sharciga lahayn ee ku nool Mareykanka aan si toos ah loogu aqoonsan doonin inay yihiin muwaadiniin Mareykan ah.
Xaqa dhalashada , si kastaba ha ahaatee, waxay ku caddahay dastuurka Maraykanka waxayna u baahan tahay saddex-meelood labameel aqal ee Congress-ka inay wax ka beddelaan. Sarkaalku ma bixin tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan sida uu Trump u qorsheynayo inuu arrintan ugu guuleysto.
Maamulka cusubi waxa kale oo uu u dhaqaaqay in uu si degdeg ah u meesha uga saaro CBP One, oo ah arjiga mobaylka ee ay u adeegsadaan muhaajiriinta si ay u ballansadaan ballamaha wareysiyada soo-galootiga.
Saraakiisha maamulka Biden waxay ku tilmaameen app-ka inuu gacan ka geystay dhimista tirada dadka lagu hayo xadka tan iyo markii ugu horreysay ee la soo bandhigo Janaayo 2023. Waxay ahayd dariiqa kaliya ee sharciga ah ee magangelyo looga codsado xudduudda US iyo Mexico.
Hadda, shabakada Kastamka iyo Ilaalinta Xuduudka waxay xustay in abka “aan hadda la heli karin oo gabi ahaanba meesha laga saaray”.
Isticmaalayaasha App-ka ayaa sidoo kale hadda la wxaa u soo baxaysa fariin tilmaamaysa in “ballamada jira ee loo qorsheeyay CBP One aanay hadda shaqaynayn”.
Madaxwayne Trump ayaa dhanka kale saxiixay dhowr amar madaxwayne oo horey u ballanqaaday.
Donald Trump ayaa saxiixay go’aan uu dalkiisa kaga saarayo Ururka Caafimaadka Adduunka, kaasoo uu ku dhaliilay sida ay wax uga qabato cudurka faafa ee coronavirus.
Markii uu gaaray Aqalka Cad Isniintii, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixay cafis ilaa 1,500 oo qof oo ka qeyb qaatay weerarkii dhismaha Capitol ee Mareykanka 6-dii Janaayo, 2021.
Trump wuxuu yiri – sida uu sheegay Aqalka Cad – in “la haystayaashan ay mudan yihiin cafis buuxa.”
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa taageerayaashiisa hortooda ku saxiixay amar madaxwayne oo ku aadan in Washington ay ka baxdo heshiiskii isbadalka cimilada ee Paris.