Borama News Network

Trump oo ku ammaanay Israa’iil weerarka ay ku qaadday Iran

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa la hadlay warbaahinta Mareykanka, isagoo amaanay weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Iran.

Trump wuxuu u sheegay Wall Street Journal in lagu sii war geliyay qorshaha Israa’iil kahor intaanu weerarku dhicin. Markii la weydiiyay heerka xogta uu helay, wuxuu yiri: “Ma ahayn digniin rasmi ah. Waxay ahayd, waan ognahay waxa socda.”

Wuxuu weerarka ku tilmaamay “mid aad u guulaystay, weliba si xad-dhaaf ah marka la eego waxa dhacay.”

Wareysi kale oo uu siiyay ABC News, Trump wuxuu sidoo kale muujiyay aragti taa la mid ah, isagoo weerarka ku tilmaamay “mid heer sare ah”.

“Waxaan siinnay fursad, ma ay qaadan,” ayuu yiri, isagoo ku celinaya qoraalkii uu horey ugu baahiyay bartiisa Truth Social.

“Si xoog leh ayaa loo garaacay, aad iyo aad u xoog badan. Waxaa loo garaacay sidii ugu xoogga badnayd ee la garaaci karo. Waxaana soo socoda wax ka badan.”

Xusuusin: Horey ayay Iran Mareykanka ugu eedeysay inuu taageeray weerarka Israa’iil ku qaaday gudaha Iran, eedeyntaas oo Mareykanku uu beeniyay.

Related posts

Shacabka Reer Suuriya Oo Maanta Jimcihii Ugu Horeeyay Si Nabad Ah Ugu Tukaday Dalkooda Oo Nabad Ah

Abdiaziz Bnnstaff

Raysal Wasaaraha Isreal Oo Diiday Xabad Joojin Ay Soo Jeediyeen Ururka Xamaas

Abdiaziz Bnnstaff

Soomaaliya iyo Masar oo dal ku galka ka dhaafaya Muwaadiniinta labada dal ee haysta Baasaboorka diblomaasiga

Abdiaziz Bnnstaff