Borama News Network

Trump oo sheegay in Mareykanka uu u diri doono qaar ka mid ah muhaajiriinta xabsiga Guantanamo Bay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa amar ku bixiyay in laga dhiso xabsi Guantanamo Bay oo uu sheegay in lagu hayn doono dad gaaraya 30,000 oo qof.

Waxa uu sheegay in xarunta saldhiga ciidamada badda Maraykanka ee Cuba, oo ka duwanaan doona xabsiga militariga ee ammaankiisa aadka loo ilaaliyo, ay ku xirnaan doonaan “dambiilayaasha sharci darrada ee khatar ku ah dadka Maraykanka”.

Guantanamo Bay ayaa muddo dheer loo isticmaali jiray in lagu hayo dadka soogalootiga ah, dhaqankaas oo ay dhaleeceeyeen qaar ka mid ah ururada xuquuqul insaanka.

Goor dambe oo Arbacadii ah, ayaa Tom Homan wuxuu sheegay in xarunta hadda jirta la ballaarin doono oo ay maamuli doonto Laanta Socdaalka iyo Dhaqangelinta Kastamada (ICE).
Waxa uu sheegay in muhaajiriinta si toos ah halkaas loogu qaadi karo ka dib markii ay xeebaha ku qabtaan ciidamada ilaalada xeebaha ee Mareykanka.

Ma cadda inta ay ku kacayso xarunta iyo goorta la dhamaystiri doono.

Dowladda Cuba ayaa markiiba cambaareysay qorshahan, iyadoo ku eedeysay Mareykanka jirdil iyo xarig sharci darro ah oo lagu hayo dhul “ay haystaan”.

Ku dhawaaqista Trump ayaa timid markii uu saxiixay sharciga loogu yeero Laken Riley Act, kaas oo dhigaya in dadka soo galootiga ah ee aan haysan sharciyada ee loo xiro dambiyada xatooyada ama rabshadaha in xabsiga lagu hayo inta maxkamad la soo taagayo.

Sharciga, oo loogu magacdaray arday dhiganaysay kalkaalasinimada caafimaad oo Georgia uu ku dilay sannadkii hore soo-galooti u dhashay Venezuela, ayaa waxaa ansixiyay Congress-ka todobaadkii hore, taasi oo ahayd guul dhanka sharci-dejin ah oo uu gaaray maamulka Trump.

Xaflad lagu saxiixayay oo ka dhacday Aqalka Cad, Trump wuxuu sheegay in amarka cusub ee Guantanamo uu farayo waaxyaha difaaca iyo amniga gudaha inay “bilaabaan diyaarinta” xarun lagu leh 30,000 oo sariirood.

“Qaar iyaga ka mid ah waa kuwo aad u xun, xitaa kuma aamini karno dalalka inay hayaan, sababtoo ah ma doonayno inay soo noqdaan muhaajiriintan,” ayuu yiri. “Marka waxaan u diri doonaa Guantanamo… waa meel ay adag tahay in laga baxo.”

Sida laga soo xigtay Trump, xaruntan ayaa laba jibaari doonta awoodda Mareykanka ee ah in la goob lagu hayo muhaajiriinta aan sharciga haysan.

Maraykanku waxa uu horeba u isticmaalayey xarun ku taal Guantanamo – oo loo yaqaan Guantanamo Migrant Operations Center (GMOC) – muddo tobanaan sano ah iyo iyada oo loo marayo maamuladii kala duwanaa, ee Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga.

Warbixin ay soo saartay 2024, hay’adda caalamiga ah ee kaalmaynta qaxootiga (IRAP) ayaa ku eedaysay dawladda inay si qarsoodi ah halkaas ugu hayso muhaajiriinta taasi oo ah “xaalado ka baxsan bini’aadantinimada” muddo aan la cayimin ka dib markii dadkaasi laga soo qabtay badda.

GMOC waxa ay si gaar ah u dejisay muhaajiriin laga soo qaaday badda waxana ay dhawaanahan ahayd mawduuca Xoriyadda Macluumaadka Codsiga Ururka Xoriyadda Madaniga ah ee Maraykanka si loo shaaciyo xogta goobtaasi.

Maamulkii Biden ayaa ku jawaabay “maaha meel xabsi ah oo lagu hayo, muhaajiriinta halkaas laguma hayo”.

Maamulka Trump, si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in xarunta la balaariyay ee la qorsheeyay ayna tahay meel loogu talagalay in dadka lagu hayo.

Waxaa lagu soo waramayaa maamulka Trump ay weydiisan doonaan Congress-ka inuu maalgeliyo balaarinta xabsiga hadda jira taasoo qayb ka ah sharciga kharash gareynta Jamhuuriga.
Mar ay saxafiyiin ku waydiiyeen Aqalka Cad, xoghayaha amniga gudaha Kristi Noem waxa uu sheegay oo kaliya in lacagta loo qoondayn doono.

Xabsiga ciidamada ee Guantanamo ayaa muddo tobanaan sano ah waxaa lagu hayay maxaabiis lagu xiray xabsiga Mareykanka kadib weeraradii 9/11 ee lagu qaaday Mareykanka sanadkii 2001-dii.

Markii ugu sarreysay waxaa ku jiray boqolaal maxaabiis ah, dhowr madaxweyne oo Dimuqraadi ah oo uu ku jiro Barack Obama ayaa wacad ku maray in ay xiri doonaan. Waxaa hadda halkaas ku xiran 15 maxbuus.

Warka ku saabsan ballaarinta xaruntan ayaa waxaa cambaareyn degdeg ah kala kulmay dowladda Cuba, oo in muddo ah u aragta in Guantanamo Bay ay tahay goob”la haysto” waxayna cambaareyn jirtay jiritaanka saldhigga ciidamada badda Mareykanka ee jasiiradda tan iyo markii Fidel Castro uu xukunka qabsaday 1959-kii.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Cuba, Bruno Rodriguez, ayaa sheegay in ku dhawaaqista ay muujinayso “quursiga xaaladda bani’aadamka iyo sharciga caalamiga ah”.

Related posts

Wariye Cabdisalan Hereri Oo Sheegay In Uu Ka Badbaaday Rasaas Ay Ku Fureen Booliska Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

Dowladda Maraykanka Oo Sanadka 2024 Xal u Raadinaysa Qulqulka Soogalootiga. Newsroom 31st December 2023.

Abdiaziz Bnnstaff

“Maan helin xil wareejin dhamaystiran…” Agaasimihii Hore ee Nisa Mahad Salaad Oo Saluug Ka Muujiyay Munaasibadii Xil Wareejintiisa

Abdiaziz Bnnstaff