Borama News Network

Trump oo sheegay inuu ka xumaaday diidmada Mexico ee in dalkaasi la geeyo Ciidan Mareykan ah

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in dhigiisa Mexico, Claudia Sheinbaum, ay diiday dalab uu u soo jeediyay oo ahaa in ciidamo Mareykan ah loo diro Mexico si loola dagaallamo kooxaha daroogada.

Trump ayaa sheegay ay doonayaaan wax ka qabashada dambiyada daroogada ee Mexico, isaga oo tilmaamay in uu aad ugu farxi lahaa haddii Mexico ay aqbali lahayd caawinta.

“Haddii Mexico ay rabto caawinta la dagaalanka Maandooriyaha, waxaa nagu sharfi lahayd inaan galno oo aan howlgal sameyno. Waxaan taas u sheegay madaxweyne Sheinbaum.” ayuu yiri Trump

Waxa uu intaas ku daray in Kooxaha daroogada ay halis weyn ku yihiin Mareykanka, isaga oo tilmaamay in ay isku dayayaan inay burburiyaan dalkaasi.

Hadalkan ayaa yimid kadib markii Madaxweynaha Mexico, Claudia Sheinbaum, ay Sabtidii sheegtay in madaxbannaanida dalkoodu aysan iib ahayn, taas oo ay kaga jawaabaysay hadallo hore oo kasoo yeeray Trump.

Sheinbaum waxay si cad u muujisay in Mexico aysan diyaar u ahayn in ciidamo shisheeye ay gudaha u galaan, xitaa haddii ay tahay si loola dagaallamo dambiyada abaabulan.

Related posts

”Xisbiga Waddani Ma Xidhi Karo Madaarka”Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Si Adag U Hadlay Baaqna Diray

Abdiaziz Bnnstaff

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken Oo Wada Dadaalo Xabad Joojineed Oo Ka Dhaqan Gala Qaza

Abdiaziz Bnnstaff

Dawladda Itoobiya oo ciidamada Masar ku tilmaamay cadaw xasilooni daro ka abuuraya geeska Afrika

Abdiaziz Bnnstaff