Borama News Network

Turkiga: “Duulaanka cadowtooyo ee Israa’iil ee sii kordhaya waxa uu khatar ku yahay amniga Mandiqada”

Turkiga ayaa sheegay in uu Maraykanka u xaqiijiyay sida ay lagama maarmaanka u tahay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka Qasa, isla markaana gargaarku u gaaro isagoon kala go’ lahayn intii lagu jiray kulan ku dhexmaray magaalada Istanbuul wasiirrada labada wadan.

Wakaaladda Warrarka Turkiga ee Anaadool oo soo xiganaysay illo diblomaasiyadeed oo Turki ah ayaa sheegtay“wasiir Hakan Fiidaan in duulaanka cadowtinimo ee Israa’iil ee sii kordhaya uu khatar wayn ku yahay guud ahaan amniga Mandiqada, isagoo ku baaqay in la bilaabo wadaxaajoodyada la xiriirra dhismaha dawlad Falastiin leedahay waqtiga ugu dhaw ee suurtagalka ah”.

Sidoo kale intii uu socday kulanka labada wasiir, waxa uu wasiirka Turkiga ah kala hadlay dhigiisa Maraykanka iibka diyaaraddaha dagaalka ee uu farasameeyo Maraykanka ee F16 iyo xubinimada Sweden ee gaashaanbuurta NATO iyo qadiyado kale oo gobolleed sida Suuriya iyo Ciraaq sida ay sheegtay Wakaaladda Anaadool.

Related posts

Daawo :- Dhacdooyinka Yaabka Leh Ee Ay Kaluumaystada Degmada Maydh Kala Soo Kulmeen Badda

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxweyne BIIXI Oo Amar Siiyay Ciidanka Somaliland

Mustafe haji

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Mareykanka oo burburiyay doonyaha Xuutiyiinta ee ku sugan Badda Cas kadib markii ay isku dayeen afduub

Abdiaziz Bnnstaff