Borama News Network

Turkiga oo khalad wayn ku tilmaamay hadal dhawaan ka soo yeeray Donald Trump

Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan, ayaa beeniyay hadalka madaxweynaha cusub ee Mareykanka, Donald Trump, ee ahaa in Turkiga afgambi aan dhiig ku daadan kula wareegay Awoodda Suuriya.

Khudbad uu jeediyay Trump ayuu ku sheegay in Turkiga aad u caqli badan yahay, isla markaana isaga oo dad badan uga dhiman Suuriya uu hadda hayo furaha dalkaasi.

Hadalkaasi ayaa waxaa khalad wayn ku tilmaamay Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan, isaga oo sheegay in Isbadalka ka dhacay Suuriya ay mas’uul ka yihiin shacabka Suuriya, isla markaasna uu yahay rabitaankooda.

Wasiirku wuxuu sidoo kale xusay in Turkiga uusan doonaynin in loo arko inuu yahay cida ay ka go’do talada dalka Suuriya, isagoo tilmaamaya in dhaqanka xukunka ee dalkaas uu sabab u noqday in meesha laga saaro Bishaar Alasad.

Sidoo kale, wasiirka ayaa tilmaamay in markasta ay ixtiraamayaan Madaxbannaanida iyo midnimada Suuriya.

Related posts

Xubin Ka Tirsan AS Oo isku Soo Dhiibay Ciidank Xoogga Dalka

Abdiaziz Bnnstaff

Maayir Cabdikariin Mooge Oo Sifeeyay Astaamaha Uu Leeyahay Murashaxa Uu Dhisayo

Abdiaziz Bnnstaff

Guleed Saalax:- Deni Waan Kala Argti Duwanahay Hadana Waxaan Leeyahay Hambalyo

Abdiaziz Bnnstaff