Borama News Network

Turkiga oo sheegay inuu diyaar u yahay Marti galinta wada hadallada Ruushka iyo Ukraine

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay inuu diyaar u yahay kulan uu la sheego dhigiisa dalka Ruushka, Vladimir Putin.

Zelenskyy ayaa sheegay in kulankaasi ka dhici karo magaalada Istanbul se dalka Turkiga, haddii Ruushka maanta joojiyo dagaalka dadka badan ku geeriyoodeen ka socda dalkiisa.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in loo baahan yahay xabbad joojin 30 maalmood ah, isaga oo yiri “waa shuruud kowaad ee wada hadalka”.

“Ma jirto sabab ku filan in hal maalin oo dheeraad ah la sii dilo dad. Dagaalkani wuxuu sababay khasaaro weyn oo bani’aadanimo iyo burbur ku yimid labada dhinacba,” ayuu yiri Zelenskyy.

Hadalka Madaxweynaha Ukraine ayaa imanaya xilli Ruushka muujiyay inuu diyaar u yahay wadahadal, halka dowladda Turkiga ay ballanqaadey in ay martigeliso kulanka labada hoggaamiye.

Related posts

Dab Ka Kacay Kaymo Ku Yaala Jili Oo Ay Ku Dhinteen 51 Qof Iyo Xogigii Ugu Dambeeyay Ee Dabkaasi

Abdiaziz Bnnstaff

Gargaar Loo Waday Dadka Reer Falastiin Oo Dhexda Loo Galay Iyo Cida Dhacday Gargaarkaasi Oo La Shaaciyay

Abdiaziz Bnnstaff

Mareykanka oo joojiyay xogihii sirdoonka ee uu Ukraine la wadaagi jiray

Abdiaziz Bnnstaff