Borama News Network

Tuulada Buula-xarbooy Gobolka Hiiraan oo 20kii Liitar ee Biyaha lagu iibsanayo $5

Deegaanka Buula-Xarbooy Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle waxaa ka jirta xaalad biyo la’aan ah maadaama aanay jirin ceel ay Dadka biyaha ka helaan waxa ay taasi sababtay in safar dheer ay u galeen.

Dadka ayaa sheegay in marka ay tagaan deegaanka ugu dhow oo ay ka heli karaan biyo ay cabbaan in 20kii Liitar kusoo iibsadaan lacag dhan $5 oo u dhiganta 135 kun oo Shillin Soomaali ah taasina ay Dadku sheegeen in aysan awoodin helitaankeeda.

Guddoomiyaha Deegaanka Buula-Xarbooy Axmed Ciise Xasan ayaa Warbaahinta u sheegay in lacagaha badan ee Dadka ku heli karaan biyaha ay u baahan yihiin in xaaladdu kusii adkaysay sidaas awgeed ay dalbanayaan in Dowladda & cid weliba oo awoodda u qodo ceel-biyood.

Qoysaskaan oo noloshooda ku tiirsan falashada Beeralay & Dhaqashada Xoolaha waxaa saamayn taban ku reebay Isbaddelka Cimillada sida abaarta iyo Daadadka ka dhashay fatahaadda Webiga & Roobka.

“Abaar & Daadad ayaa dhibaato u gaystay beerihii la abuuray iyo xoolihii la dhaqanayay, magaalada waxa ay inoo jirtaa ilaa 10 kiilo-mitir, biyaha waxaa Jalalaqsi oo aan u doonano nalaga siiyaa 20kii Liitar $5 waxa aan codsanaynaa in Dowladda naga caawiso oo naloo qodo Ceel-Biyood”Guddoomiyaha Deegaanka Buula-Xarbooy, Axmed Ciise Xasan.

Dadka inta badan ku nool deegaannadu ay marayaan Webiyada Dalka waxa ay cabbaan biyo caafimaad ahaan aanay wanaagsanayn, baahida u keeneysa isticmaalka biyahaas waa deegaannadooda oo aanay ka jirin Ceel biyood ay ka heli karaan biyo nadiif ah.

Related posts

Safarka Axmed Madoobe ee Nairobi ma abuuri karaa khilaaf ka dhex dhasha Soomaaliya Iyo Kenya?

Abdiaziz Bnnstaff

Isbitaaladii Magaalada Muqdisho Oo La Ciirciiraya Dhaawacyo Iyo Dhimashada Weerarkii Xalay

Abdiaziz Bnnstaff

Siyaasi Maxamuud Xaashi Oo Ka Sheekeeyay Sheeko Cajiib Ah Oo Uu La Soo Maray Jacaylka Iyo Waxa Uu Ka Aaminsanahay

Abdiaziz Bnnstaff