Borama News Network

Uganda:- Hooyooyin Carruurtooda Dawarsi u Diray Oo Xukunno Adag Lagu Riday

Maxkamad ku taalla dalka Ugandha ayaa in ka badan 100 haween ah ku xukuntay midkiiba hal bil oo xarig ah si ay ugu adeegaan bulshada, kaddib markii ay qirteen inay carruurtooda u direen dawarsi magaalada caasimadda ah ee Kampala.

Maxkamada ayaa sidoo kale ka mamnuucday haweenkaasi in ay dib ugu soo laabtaan magaalada, waxaana ay amartay in dib loogu celiyo degmada ay ku nool yihiin ee Napak ee waqooyiga Ugandha, sida uu qoray wargeyska Daily Monitor.

Haweenkan ayaa ka codsaday in loo naxariisto, iyadoo qaarkood ay sheegeen inay ahaayeen xaas laga dhintay, halka kuwo kalena ay ahaayeen hooyooyin kelidood ah, sida uu ku warramay wargeyska dawladda ee New Vision.

U dirida carruurta si ay u dawarsadaan ama dadka wax u weyddiistaan waa ka soo horjeeda sharciga xagga ilaalinta carruurta ee Uganda ciqaabta ugu badanna waa lix bilood.

Haweenkan ayaa la qabtay bishii hore, xilli uu socday olole dadka tuugsada looga saarayay caasimadda, ka hor saddex shir oo caalami ah oo halkaasi ka dhacayay.

Carruurta ayaa la geeyey tuulada Masulita ee bartamaha Ugandha, halkaasoo ay ku nool yihiin carruurta laga fariisiyay dawarsiga.

Related posts

“Muuse Biixi Iyo Xukuumadisa Dalku Maalintii Lagu Wareejiyay Meel Buu Marayay Maantana…” Axmed Cawil

Abdiaziz Bnnstaff

Qaramada Midoobay Oo Sheegtay In Iiraan Ay Daldashay Ugu Yaraan 901 Qof Sanadkii 2024

Abdiaziz Bnnstaff

Magacyada Gudiga Isbahaysiga Xisbiga Wadani Iyo Kaah Oo La Shaaciyay

Abdiaziz Bnnstaff