Borama News Network

Uganda Oo Markii Ugu Horaysay Yeelanaysa Wada Tareen Oo Ku Kacaysa Balaayiin Dolar

Uganda ayaa sheegtay in shirkad laga leeyahay dalka Turkiga ay la saxiixatay heshiis ku kacaya saddex bilyan oo doolar oo lagu dhisayo khad tareen koronto ah oo isku xiri doona dalka aan badda lahayn iyo dalka ay deriska yihiin ee Kenya.

Waddadan ayaa ka bilaaban doonta caasimadda Kampala Malaba oo ku taalla xuduudka Kenya oo ah in ka badan laba boqol iyo toddobaatan kilomitir.

Shan iyo tobankii sano ee la soo dhaafay Turkigu waxa uu si weyn u kordhiyey maal-gashigiisa guud ahaan qaaradda.

Wasiirka gaadiidka Uganda, Katumba Wamala, ayaa sheegay in dhismaha qadka tareenka ee Kenya uu qaadan doono muddo afar sano ah, ayna tahay inay gacan ka geysato sidii looga gudbi lahaa qaar ka mid ah dib u dhacyada dheer ee badeecooyinka ka soo baxaya dekedda Mombasa ee badweynta Hindiya.

Xaqiiqda ah in shirkad Turki ah ay dhisayso waa mid muhiim ah. Sida Shiinaha iyo Ruushka, Turkigu wuxuu u arkaa Afrika inay tahay mudnaanta siyaasadda dibadda.

Labaatankii sano ee la soo dhaafay tirada safaaradaha ayaa saddex jibaarmay in ka badan afartan. Waxa ay qalab ciidan oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn geysay dalal badan oo Afrikaan ah,

Waxaana sidoo kale jiray awood jilicsan. Masaajido ayaa la dhisay, warbaahinta dowladda ayaana dhaqaale badan ku bixisay dadaal lagu doonayo in lagu kordhiyo saameynta Turkiga.

Related posts

Macallin dhigayey Jaamacad laga barto caafimaadka oo ku taal dalka Bangladesh ayaa la xiray, maalmo ka dib markii uu xabad ku dhuftay arday imtixaan u fadhiyey. Dhacdadan oo ka dhacday magaalada Sirajganj ee waqooyiga galbeed ee Bangladesh ayaa aad loola anfariirey markii la ogaadey in booliska ay ku qaadatay labo maalmood in ay xiraan ninka falka geystey. Raihan Sharif ayaa la xiray, dabeedna shaqada laga joojiyey markii ardaydii jaamacaddu ay ku dhaqaaqeen mudaharaad looga soo horjeedo weerarka lagu dhawacay saaxiibkood. Macluumaad dheeri ah lagama hayo sababta ka dambeysey dhacdan iyadoo ardayga dhaawacana uu isbitaal jiifo, macalinkana uu xabsi ku jiri Warbaahinta gudaha ayaa magaca dhibbanaha ku sheegtay Arafat Amiin Tomal oo 23 jir ah, kaasoo hadda ka soo kabanaya dhaawac ka so gaarey jilibka. Macallin Shariif ayaa wuxuu qori la soo galay fasal ay fadhiyeen 45 arday, ka dibna wuxuu xabad ku ridey ardayga dhaawacmay. Nasiib wanaag qaar ardayda ka mid ah ayaa macallinka isku duubay oo qol ku soo xiray, ka hor intii aan booliska loo yeerin.

Abdiaziz Bnnstaff

Ex. Wasiir Cali Dhagoole Oo Xukuumadda Ku Eedeeyay Lacago Ay Soo Daabacday

Abdiaziz Bnnstaff

Garaadka Guud SSC Garaad Jamaac Garaad Cali Ayaa Soo Dhaweyay Shirkii Jabuuti Kuna Baaqay Midnimo Somaliyeed

Abdiaziz Bnnstaff