Borama News Network

Ukrain oo dagaalka u wareejisay gudaha Riuusha iyo weerar ay kaga talawday xudduuda oo galay maalintii shanaad

Ciidamada Ukraine ayaa sii wada duullaanka ay ku hayaan gobolka Kursk ee galbeedka Ruushka, iyadoo weerarkooda kadiska ah ee xuduudka uu galay maalintii shanaad.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa Jimcihii sheegtay inay sii wadayaan iska caabinta” millatariga Ukraine, oo ay sheegtay inay ka dhinteen in ka badan 280 askari 24-kii saac ee lasoo dhaafay – tiradaas oo aan si madax bannaan loo xaqiijin.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Ukraine ay ka howlgalayaan in ka badan 10km (lix mayl) gudaha Ruushka – horumarkii ugu weynaa ee Kyiv ay sameyso tan iyo markii Moscow ay billowday duullaanka buuxa ee Ukraine bishii Febraayo 2022.

Ukraine si cad uma aysan qiran duulaanka, balse madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa toddobaadkan sheegay in ay waajib tahay in Moscow ay “dareento” cawaaqibka ka dhalan kara duulaankeeda.

Dagaalka Kursk ayaa si tartiib tartiib ah ugu soo dhawaaday warshad tamarta nukliyeerka ah, taasoo keentay in hay’adda Qaramada Midoobay ee Nukliyeerka ay soo saaraan bayaan ay ku boorrinayaan labada dhinac inay “is xakameeyaan”.

Madaxa Hay’adda Tamarta Nukliyeerka ee Caalamiga ah (IAEA) Rafael Grossi ayaa ka codsaday dhammaan dhinacyada inay qaadaan tillaabooyin “si looga fogaado shil nukliyeer ah oo ka dhalan kara cawaaqib dhanka shucaac ah”.

Related posts

“Farmaajo Nin Uu Hore u Dilay Ayuu Leeyahay Hadalka Maxaa Looga Joojiyay” Xildhibaan Caana-nuug

Abdiaziz Bnnstaff

“Madaxweynaha Waa Sameyn Karaa In Uu yiraahdo Dastuurka waala Ansixiyay,Laakiin Dastuurka…’

Abdiaziz Bnnstaff

Faahfaahin ka soo baxaysa weerar Al-Shabaab ay saaka ku qaadeen deegaanno ka tirsan Jubada Hoose

Abdiaziz Bnnstaff