Borama News Network

Ukraine iyo Ruushka oo fuliyay duqeymo burburiyay kaabayaasha muhiimka ee labada dal

Ruushka iyo Ukraine ayaa labaduba fuliyay duqeymo xaga cirka ah, kaas oo burbur u geystay kaabayaasha muhiimka ah ee labadaasi dal.

Weeraradan ayaa imanaya saacado un ka dib markii madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ay wada hadleen Donald Trump.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in kaabayaasha dalkiisa Ukraine lala eegtay weerar ballaaran oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn,

Mr Zelensky ayaa sheegay, in kaabayaasha muhiimka ah ee uu Ruushka beegsaday ay kamid yihiin, isbitaallo ku yaala Sumy iyo xarunta bixisa adeegga korontada ee Slovyansk.

Ruushka ayaa sheegay in weerar ay Ukraine u adeegsatay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn uu sababay dab ka kacay goob shidaalka lagu keydiyo oo ku taalla magaalada Krasnodar

Related posts

Maayirka Magaalada Hargeysa Iyo Muwaadin Kale Oo Ay Dacwadi Ugu Furantay Maxkamada Hargeysa

Abdiaziz Bnnstaff

Suldaanka Guud Ee Beelaha Maxamed Case Oo War Ka Soo Saaray Xilka Qaadistii Xildhibaan Maxamed Xaashi Abiib

Abdiaziz Bnnstaff

Gantaalada Xisbullah ayaa sababay dabka keymaha Israel

Abdiaziz Bnnstaff