Borama News Network

Ukraine oo aqbashay soo jeedintii ‘xabbad-joojinta’ ee Maraykanka, muxuuse Ruushku odhan doonaa?

Ukraine ayaa sheegtay in ay diyaar u yihiin aqbalaaadda, soddon maalmood oo xabbad joojin ay la qaataan Ruushka, sida ay soo joodiyeen Maraykanku, maalin kaddib wadahadalladii Maraykanka iyo Ukraine ku dhex maray Sucuudiga.

Bayaankan wadajirka ah, Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inuu si degdeg ah u bilaabi doono la wadaagista sirdoonka iyo kaalmada amniga ee Ukraine, taasoo Washington hakisay kadib kulankii muranka dhaliyey ee dhex maray labadooda Madaxweyne.

“Wufuuddii labada dal waxay isku raaceen inay magacaabaan kooxahooda wada xaajoodka isla markaana si degdeg ah u bilaabaan wada xaajood ku aaddan nabad waarta oo xaqiijinaysa amniga muddada dheer ee Ukraine,” ayaa lagu yidhi bayaanka Mareykanka iyo Ukraine.

Rubio oo shir jaraa’id ku qabtay Jeddah fiidnimadii Talaadada ayaa sheegay inuu rajeynayo in Ruushku aqbalo soo jeedinta.

Ukraine waxay “diyaar u tahay inay joojiso dagaalka oo ay wadahadal bilowdo,” ayuu yidhi, wuxuuna intaas ku daray haddii Ruushku diido dalabkaas “Waxaa nasiibdarro ah in aynu ogaaano doonno cidda caqbadda ku ah nabadda .”

“Maanta waxaan sameynay dalab ay reer Ukraine ku aqbaleen, kaasoo ah in la galo xabbad joojin iyo wada xaajood degdeg ah,” ayuu yidhi.

“Waan qaadaneynaa dalabkan oo waxaan u geyn doonnaa Ruushka, waxaana rajeyneynaa inay yidhaahdaan haa oo aqbalaan nabadda. Hadda kubaddu waxay taallaa dhinacooda,” ayuu raaciyay.

Dalabka xabbad-joojinta 30 maalmood ah wuxuu dhaafayaa hindisaha Zelensky ee ahaa xabbad joojin qayb ahaan ka dhaqan gasha dhanka badda iyo cirka.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa u mahadceliyay Donald Trump isagoo ku ammaanay “natiijada hagaagsan” ee wada-hadalladii ka dhacay Jeddah.

Muuqaal uu soo duubay, Zelensky wuxuu ku sheegay in Ruushku ay tahay inay muujiyaan haddii ay doonayaan in ay dagaalka joojiyaan ama sii wadayaan.

“Waa waqtigii runta oo dhan la ogaan lahaa,” ayuu raaciyay.

Moscow wali kama aysan jawaabin soo jeedinta Mareykanka. Kremlin-ka ayaa Talaadadii hore sheegay in uu soo saari doono bayaan kadib marka ay Washington uga warbixiso natiijada wada-hadallada.

Ruushka ayaa Ukraine ku qaaday duullaan ballaadhan bishii Febraayo 2022, wuxuuna hadda gacanta ku hayaa qiyaastii 20% dhulka Ukraine.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa wariyeyaasha kula hadlay Aqalka Cad, isagoo sheegay inuu la hadli doono Madaxweyne Putin, wuxuuna rajo ka muujiyay inuu aqbali doono heshiiska.

“Labada dhinac waa inay oggolaadaan,” ayuu yidhi Trump, isagoo rajeynaya in heshiiska la wada gaadho karo maalmaha soo socda.

“Waxaan beri la yeelaneynaa kulan muhiim ah dhanka Ruushka, waxaana rajeynayaa in wada-hadallo wanaagsan ay halkaas ka soo baxaan.”

Trump wuxuu intaas ku daray inuu diyaar u yahay inuu mar kale casuumo Zelensky si uu ugu soo laabto Washington.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Maria Zakharova, ayaa sheegtay in Ruushku uusan meesha ka saarin wada-hadallo uu la yeesho Mareykanka maalmaha soo socda, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee dowladda Ruushka, Tass.

Senator Marco Rubio oo la hadlayay warbaahinta ayaa la weydiiyay haddii xidhiidhka Trump iyo Zelensky uu dib usoo hagaagay, wuxuuna ku jawaabay in waxa la rabo uu yahay “nabadda” inay dib usoo hagaagto.

“Tani ma aha filim ama riwaayad telefishin,” ayuu yidhi.

“Maanta dad ayaa ku dhimanaya dagaalkan, shalay way dhinteen, nasiib-darrose haddii aan xabbad-joojin la helin, berri way dhiman doonaan.”

Kooxaha Mareykanka iyo Ukraine waxay kulmeen kadib markii weerarro drone ah oo ka dhacay Moscow ay sababeen dhimashada ugu yaraan saddex qof, taas oo uu Ruushku ku andacooday in taasi ay muujinayso in Ukraine aysan rabin inay wadahadal ku soo afjarto dagaalka.

Bayaanka wadajirka ah ee Mareykanka iyo Ukraine ayaa sheegay in labada madaxweyne ay isku raaceen in si degdeg ah loo dhammeystiro heshiiskii la xidhiidhay macdanaha muhiimka ah.

Ukraine ayaa Mareykanka u bandhigtay inuu siiyo marin u helidda kaydkeeda macdanta dhifka ah, taasoo la macno ah in Mareykanku heli karo kheyraad muhiim ah oo lagu isticmaalo warshadaha tignoolajiyadda sare. Beddelkeeda, Ukraine waxay rabtay in loo dammaanad qaado ammaankeeda. Si kastaba ha ahaatee, arrintan waxaa hakad geliyay khilaaf ka dhex dhacay Aqalka Cad.

Sanator Marco Rubio ayaa sheegay in heshiiskan uusan ka mid ahayn qodobadii lagu gorfeeyay wada-hadalladii Talaadadii ka dhacay Jeddah, balse waxa uu hoosta ka xarriiqay in wadahadallo la xidhiidhaaa ay socdeen oo ay hoggaaminayeen wasaaradaha maaliyadda ee Mareykanka iyo Ukraine.

Wafdiga Mareykanka ee ka qeyb galay wada-hadallada Jeddah waxaa sidoo kale ka mid ahaa la-taliyaha amniga qaranka ee Mareykanka, Mike Waltz, iyo ergayga gaarka ah ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff.

Related posts

Haayada Nabadsugida Iyo Sirdoonka Somaliya Oo Muqdisho Ka Soo Dejisay Ninkii Xaaskiisa Nolosha Ku Gubay

Abdiaziz Bnnstaff

“Waxa la gaadhay xilligii Isbeddelka”Guddoomiyha Urur siyaasaddeedka Barwaaqo

Abdiaziz Bnnstaff

Kamala Harris oo wacad ku martay inay soo gaba-gabeyn doonto dagaalka Qasa iyadoo laba maalmood ay ka hartay doorashada

Abdiaziz Bnnstaff