Borama News Network

Ukraine oo NATO kala hadleysa cabsida ay ka qabto hubka casriga ah uu Ruushka lasoo baxay

Dowladda Ukraine ayaa cabsi iyo welwel xooggan waxaa geliyay caga-jugleynta Ruushka ee la xiriirta in uu adeegsanayo hubka balaastiga loo yaqaan ee casriga ah isla markaana intaas ku daray in aanay jirin dal heysta hubka uu waddankaas gacantiisa ku jira.

Ukraine oo garab ka heleysa Maraykanka oo xubin ka ah Gaashaanbuurta NATO ayaa codsatay kulan degdeg ah oo looga hadlayo sidii isbaheysigaan uu xabadka uga dhigan lahaa dagaallada ay ku sii daayeen oo kahor inta uusan qarxin u sheegi jiray in ay difaacayaan.

Ruushka ayaa Gantaallo culus ku garaabay Magaalada 4aad ee ugu weyn Dalka Ukraine ee Dnipro ee dhacda Bartamaha Dalkaas, sidoo kale waxaa cabsi xooggan gelisay hadalkii hanjabaadda ahaa ee Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu jeediyay.

Kyiv ayaa gacan aan xoogganeyn ka hesha Maraykanka, Ingiriiska, Jarmalka, dhammaan dhinacyadaan taageerada hubka ah siiyaan waa ay ka difaaci waayeen dagaalka culus uu ku ugaarsano Ruushka oo dhul baaxad weyn ka qabsaday

Kulanka Ukraine iyo Isbaheysiga NATO ayaa lagu wadaa in uu dhaco Talaadada, fadhigaan ayaa la sheegay in uu ka duwan yahay fadhiyadii hore, Kyiv ayaa xitaa isku dayi doonta in si degdeg ah loo aqbalo si ay xubin uga noqoto Gaashaanbuurtaan oo dartood Ruushka u beegsaday.

Related posts

Siyaasi Jamaal Cabdi Muuse oo xilal kala duwan ka soo qabtay Xukuumadda Madaxweyne Biixi Oo Lagu Soo Dhaweeyay Xisbiga Wadani

Abdiaziz Bnnstaff

Dowladaha Imaaraadka iyo Jabuuti oo ka wada hadlay qodob xaasasi ah

Abdiaziz Bnnstaff

“Ma hal Qoys ayaa dowladnimada kusoo hartay mar hadii Jubaland iyo Puntland baxeen, Siyaasi Cabdiraxman Cabdishakuur

Abdiaziz Bnnstaff