Borama News Network

Ukraine oo soo ridday ku dhawaad toban diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo Ruushku leeyahay

Ukraine ayaa sheegtay in nidaamkeeda difaaca cirka uu soo riday 8 ka mid ah 11 diyaaradood oo aan duuliyaha lahayn oo Ruushku leeyahay isla markaan habeenimadii xalay weerar ku soo qaadya Ukraine sida ay sheegeen ciidamada cirka ee Ukraine.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Shahed oo sidoo kale loo yaqaanno “kamikaze” – ayaa lagu soo riday gobollada Poltava, Kharkiv, Cherkasy, Chernihiv iyo Kyiv, halka saddex kalena lagu tilmaamay inay “la’ waayay”.

Ruushka ayaa sidoo kale ku weeraray gobolka Sumy ee Ukraine laba gantaal oo Iskander-M ballistic ah iyo gantaal nooca loo yaqaan Kh-59, sida ay ciidamada cirku ku sheegeen war ay soo saareen.

Maamulka Sumy ayaa sheegay in ugu yaraan 10 qof ay ku dhinteen weerarrada Ruushku habeenimadii xalay ku qaaday Ukraine.

Related posts

Deg‐deg : Gadabuursaw ,Gumaysigiina ku nooolaada, Xildhibaanadiina hala xidho idinkuna Muuse u Xoolo u qala ” Xildhibaan Maydhane Oo Si Adag U Hadlay

Abdiaziz Bnnstaff

Diyaaradaha Dagaalka Ee Israel Oo Duqaymo Ka Fuliyay Qaybo Ka Mid Ah Gudaha Dalka Suuriya

Abdiaziz Bnnstaff

Qaraxyo lagu weeraray guriga ra’iisul wasaaraha Israa’iil Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Abdiaziz Bnnstaff