Borama News Network

Ururka Xisbulah oo digniin culus soo saaray

Ururka Hezbollah ayaa , ka digay in guryaha iyo saldhigyada millatariga ee xaafadaha la deggan yahay, oo qaarkood ku yaal magaalooyinka waaweyn ee waqooyiga Israa’iil, ay noqon doonaan bartilmaameedkooda, iyagoo digniin u diray dadka deegaanka.

Sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee France Press, xisbigu waxa uu ku eedeeyay ciidanka Israa’iil in ay guryo ku yaala qaar ka mid ah waqooyiga Israa’iil u adeegsadaan xarumo ay ku ururiyaan saraakiishooda iyo askartooda.

Magaalooyiinka waaweyn ee ay u digeen waxaa ka mid ah “Haifa, Tiberias, iyo Acre.”

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in guryahan iyo saldhigyada ciidanku ay noqon doonaan bartilmaameedyada gantaalada iyo ciidamada cirka ee xisbulah, iyagoo uga digay dadka deegaanka inay ka ag dhawaadaan meelaha ay ciidamadu isugu yimaadaan si ay naftooda u ilaashadaan ilaa amar dambe.

Related posts

Xildhibaan Mahdi Guuleed “Go’aan Taarikhi u Ah Dowladnimadena Ayeey Gaadheen Baarlamaanka Dowlada Somaliya”

Abdiaziz Bnnstaff

Tirada Dadka Sanadkani Geeriyooday Inta Ay Ku Guda Jireen Gudasha Xajka Oo La Shaaciyay Iyo Inta Somalida Kaga Jira Somalida

Abdiaziz Bnnstaff

Raysal Wasaaraha Somaliya Xamsa Iyo wafdi Uu Hoggaaminayo Ayaa Gaadhay Magaalada Baydhabo.

Abdiaziz Bnnstaff