Borama News Network

Vinicius Jr oo ku guuleystay abaalmarin muhiim ah oo ay bixiso Fifa

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Brazil ee Vinicius Jr ayaa loo doortay cyaaryahanka ugu wanaasan ee kubadda cagta ragga sanadka ee abaalmarinta Fifa Best Awards.

Afar iyo labaatan sano jirkaan iyo kooxdiisa ayaa qaadacay oo aanan ka qeyb gelin xafladii ugu dambeysay ee lagu bixinayay biladda Ballon d’Or kaas oo uu ku guuleystay xiddiga Manchester City ee Rodri, laakiin Vinicius ayaa waxaa billadan lagu dgudonsiiyay magaada Doxa ee caasimadda Qadar.

Vinicius ayaa door muhiim ah ka ciyaaray tartanka Champions League iyo ku guuleysiga La Liga ee Real Madrid xilli ciyaareedkii 2023-24.

Waxaa uu dhaliyay afar iyo labaatan gool halka uu caawiyay 11 gool oo kale.

Waa markii ugu horreysay oo uu Vinicius Junior ku guuleysto biladda, wuxuuna farxad ku dhameystay sanadkan sii dhamaanaya ee 2024-ka, marka loo eego niyad jabkii biladda Ballon d’OR-ka bishii Oktoobar ee sanadkan, billaadaas oo u Vinicius iyo kooxda Madridba ay u tartamaysay.

Ciyaaryahanadda khadka dhexe ugu cayaarta kooxda Barcelona, Aitana Bonmati, ayaa ku guuleysatay ciyaaryahanadda ugu wanaagsan kubadda cagta hawenka, sanadkii labaad oo xirriir ah.

Biladaha Ballon d’OR iyo Fifa Best Awards, ayaa ah labada abaalmarin ee ugu muhiimsan ee la bixiyo kubadda cagta ragga iyo dumarka.

Waa abaalmarintii ugu horreysay ee Fifa ee uu ku guukeysto Vinicius, iyadoo labadii sano ee u dambeeyay uu ku guuleystay Lionel Messi halka labadii sano ee ka sii horreysayna uu ku guuleystay Robert Lewandowski.

Cayaaryahanka khadka dhexe ugu dheela dalka Spain ee ku guuleysatay tartankii qaramada yurub ee Euro 2024, Rodri, ayaa galay kaalinta labaad ee abaalmarinta uu ku guuleystay Vinicius Junior, halka cayaaryahanka xulka Ingiriiska iyo Real Madrid, Jude Bellingham uu galay kaalinta saddexaad.

Related posts

Awaamiir laga soo saaray ilaalinta gaadiidka iyo hantida dawladda xiliga kala guurka

Abdiaziz Bnnstaff

Ciidanka Dabsamiska Somaliland Oo Soo Saaray Maydka Ilmo Yar Oo Suuli Lagu Riday

Abdiaziz Bnnstaff

Garyaqaan Cabdiraxmaan Saleebaan ayaa Sheegay In Hogaanada Urur Siyaasadeeda Horseed Iyo Hilaac Ku xadgudbeen xeerka doorashooyinka Somaliland.

Abdiaziz Bnnstaff