Borama News Network

Waa kuma Gudoomiyaha Cusub Ee Baarlamaanka Puntland Ee Taariikhda Cusub Dhigay.

Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka maamul goboleedka Puntland ayaa loo doortay Cabdirisaaq Axmed Siciid.

Wareegga kowaad ee doorashada ayuu helay 37 cod, halka gudoomiyihii hore ee golaha Cabdirishiid Yuusuf Jibril uu helay codadka ugu hooseeya oo ah 8 cod.

Ilaa afar xildhibaan ayaa u tartamayey gudoomiyaha golaha wakiilada ee Puntland, kuwaasoo kala ahaa Xildhibaan Maxamed Faarax Maxamed Gabyoow oo helay 10 cod, iyo Xildhibaan Mursal Maxamuud Cabdi oo helay 10 cod, hase yeeshee saddexdii mudane ee la tartamayey ayaa ka tanaasulay inay u gudbaan wareegga labaad.

Gudoomiyaha ku meel gaarka ee golaha wakiillada ee Puntland Xildhibaan Xasan Cabdalla Xasan ayaa ku dhawaaqay in Cabdirisaaq Axmed Siciid Faarax in uu ku guulaystay hogaaminta golaha wakiilada ee Puntland ilaa 2029-ka.

Hadal kooban ayuu Cabdirisaaq jeediyey markii lagu dhawaaqay guushiisa.

“Dhamanteen waxaan nahay hal gole, waxaana leenahay hal hadaf, waxaan doonaynaa inaan ka dhabayno masuuliyada aan qaadnay ee la inagu wada aaminayā€¯ ayuu yiri Cabdirisaaq Axmed Siciid oo la hadlayey 66ka xildhibaan ee baarlamaanka Puntland.

Waa markii ugu horeysay ee gudoomiye baarlamaan Puntland ku soo baxo wareegga koowaad iyadoo an la aadin wareega labaad.

Related posts

Xuutiyiinta Dalka Yeman Oo La Sheegay In Jareen Mid Ka Mid Ah Xadhkahiin Internetka Ee Bada Casa Marayay

Abdiaziz Bnnstaff

”Hadii ay Doorashadu Cadaalad u Dhici Weydo, Ninkii Qaribay Ayaa Ka Talin Doona.”Gudoomiye Xirsi,

Muuse Biixi Iyo Samaroon Ayaanu Isku Eegaynaa Ama Isaga Ayaa Adkaan Ama Samaron” Siyaasi Jaamac Shabeel

Abdiaziz Bnnstaff