Borama News Network

Waa kuma Janaraalkii hoggaaminayay ciidamada ilaalinta nukliyeerka Ruushka ee la khaarajiyay

Qoraalka sawirka,Igor Kirillov wuxuu ahaa jeneraal sare oo ka tirsan ciidamada Ruushka iyo madaxa Nuclear-ka, iyo ciidamada difaaca kiimikada (NBC).

Igor Kirillov wuxuu ahaa jeneraal sare oo ka tirsan ciidamada Ruushka iyo madaxa Nuclear-ka, iyo ciidamada difaaca kiimikada (NBC).

Kirillov ayaa loo magacaabay inuu hogaamiyo ciidamada bishii Abriil 2017. Sida laga soo xigtay warbaahinta ay maamusho dowladda Ruushka ee Tass, wuxuu ka baxay machadka Militariga ee Kostroma ee hubka Kiimikada.

Shalay, Adeegga Ammaanka ee Ukraine (SBU) ayaa Kirillov xukumay isagoo maqan, kaddib markii lagu eedeeyay inuu Ukraine u adeegsaday hubka kiimikada ah ee la mamnuucay, sida ay werisay warbaahinta Kyiv Independent.

Adeegga Ammaanka ee Ukraine waxay sheegtay in Ruushku adeegsaday hubka kiimikada ku dhawaad 5,000 oo jeer oo uu hogaaminayay Kirillov.

Waxa uu ciidamada qalabka sida ee USSR ka tirsanaa tan iyo 1987. 1991 wuxuu ka qalin jabiyay machadka milatariga ee Kostroma gaar ahaan Difaaca Kiimikada.

Laga soo bilaabo 1991 ilaa 1994 wuxuu ahaa taliyaha Kooxda Galbeedka ee Ciidamada.

Tan iyo 1995, wuxuu si isdaba joog xilal uga qabanayay qeybaha kala duwan ee ciidamada. Wuxuu soo noqday taliyaha guutada ilaalinta shucaaca, kiimikaada iyo bayooloji gaar ah.

Laga soo bilaabo 2005 ilaa 2007 wuxuu wax ka bartay Akademiyada Ilaalinta Ciidanka ee NBC. Tan iyo 2009, waxa uu ka soo shaqeeyay jagooyin kala duwan sida Taliyaha Ciidanka Ilaalada NBC ee Ruushka ee Ciidamada Qalabka Sida.

Bishii Sebtembar 2014, Kirillov waxaa loo magacaabay madaxa Akadeemiyada Difaaca ee Timoshenko.

Tan iyo Abriil 2017, General Kirillov wuxuu ahaa madaxa NBC oo qaabilsan Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ee Ruushka.

Ka qaybqaadashada tooska ah ee ficilada militariga ee ka dhanka ah dowladaha madaxbanaan, Igor Kirillov ayaa lagu daray liiska cunaqabateynta caalamiga ah.

Febraayo 23, 2022, waxaa lagu daray liiska cunaqabataynta Kanada. Oktoobar 19, 2022, waxaa lagu daray liiska cunaqabataynta ee Ukraine. Waxaa sidoo kale cunaqabatayn ku soo rogay Ingiriiska 8 Oktoobar 2024.

16-kii Diseembar 2024, Ukraine waxay dacwad ku soo oogtay Kirillov isagoo xaadir ahayn. Dawcwadda lagu soo oogay ayaa salka ku haysaa isticmaalka hubka kiimikada ah ee la mamnuucay intii uu socday dagaalka Ruushka iyo Ukraine.

Related posts

Dagaal Culus Oo u Dhaxeeya Xamaas Iyo Israaiil Oo Ka Socda Magaalada Gaza

Abdiaziz Bnnstaff

“Madaxweyne Muuse laga dafiri maayo guulaha uu leeyahay”Maxamuud Xaashi Oo Hadlay

Abdiaziz Bnnstaff

Qadar oo hakisay doorkeedii dhexdhexaadinta ee Israa’iil iyo Xamaas

Abdiaziz Bnnstaff