Borama News Network

Waa Kuma Ninka noqonaya Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Haddii Trump uu guuleysto?

Donalad Trump Madaxweynihii 45aad ee Dalka Maraykanka ayaa ku dhawaaqay Ninka noqonaya ku xigeenkiisa haddii uu ku guuleysto Doorashada Dalkaas ka dhacaysa isaga oo faah-faahiyay sababta keentay xulashadiisa.

Trump ayaa tilmaamay in ku xigeenkiisa uu noqon Doonno James David Vance oo ah Senator laga soo doorto Gobolka Ohio, waxaana uu intaas ku daray in uu samayn doonno wax weliba uu ku caawin karo si uu Doorashada ugu guuleysto.

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa Dadka codeynaya ku beer-laxawsaday in haddii uu guuleysto uu Dalkaas ka dhigi doonno mid markale sumcaddiisa ka dhex muuqata Caalamka kana hortagi doonno wax weliba oo dhibaato ku ah sida uu yiri

“Haddii aan ku guuleysto Madaxweynaha Maraykanka waxaa ku xigeen ii noqonaya J.D. Vance, waxa uu sii wadi doonnaa in uu sii wado in u dagaalanka Dastuurkeenna, waxa uu garab istaagi doonnaa Ciidamadeenna, waxa uu sidoo kale sameyn doonaa wax walba oo uu awoodi karo uuna ku caawin karo Ameerika” ayuu Trump ku daabacay bartiisa bulshada ee lagu magacaabo Truth.

Vance waa 39 jir waxa uu safka hore kasoo galay xubnaha sida weyn u dhaliila Siyaasadda Donald Trump, sanadkii 2016kii Markii uu ku guuleystay xilka Madaxweynaha waxa uu James David kamid ahaa Dadkii sida weyn u Mucaaradsanaa.

Related posts

Madaxwayne Muuse Biixi Oo War Cusub Ka Soo Saaray Heshiiskii Somaliland Iyo Itoobiya Wada Galeen

Abdiaziz Bnnstaff

Aqalka Cad Ee Looga Arimiyo Dalka Maraykanka Oo Walaac Xoogan Ka Muujiyay Heshiiska Somaliland Iyo Dowlada Itoobiya

Abdiaziz Bnnstaff

“Xaalada gobalka Sanaag waxa ka dambeeya dawladda taagta daran ee Muqdisho” Mustafe Shiine

Abdiaziz Bnnstaff