Borama News Network

Wafdi Ka Socda Midowga Afrika Oo Muqdisho Kusoo Wajahan

Magaalada Muqdisho waxaa kusoo wajahan wafdi ka socda Ururka Midowga Afrika oo lagu wado in uu goobjoog ka noqdo qorshaha lagu baddelayo howlgalka ATMIS oo ku siman dhammaadka sanadkaan 2024.

Wafdiga Midowga Afrika ka socda ayaa la kulmi doonna hoggaanka howlgalka AUSSOM, Madaxda Dowladda Federaalka & dhinacyada taageera howlgalkaan si ay uga wada hadlaan qorshaha cusub ee soo kordhay.

AUSSOM, waa howlgal ka duwan labadii waji ee horay loo baddelay ee AMISOM iyo ATMIS, Ciidanka Afrikaanka ah oo la dhimay ama la yareeyay ayaa noqonaya kuwa guurguura oo la howlgalla ciidamada Soomaalida.

Munaasabad lagu dejinayo astaanta ATMIS laguna surayo AUSSOM ayaa lagu wadaa in ay ka dhacdo Magaalada Muqdisho, waxaa ka qaybgalaya mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka, Midowga Afrika iyo dhinacyada kale ee taageera howlgalkaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalkaan cusub ee AUSSOM inta uu socdo in laga faa’iideysan doonno oo ‘AS’ looga qabsan doonno deegaannada ay gacanta ku hayaan sida hadalka loo dhigay.

ATMIS ayaa dhowr jeer wareejisay xeryo ciidankeeda ay joogeen oo haatan gacanta ku hayaan ciidanka Federaalka iyo kuwa Dowlad-Goboleedyada, waxaa la sameyn doonnaa xeryo ay degayaan ciidan isku dhaf ah oo labada dhinac kawada socda.

Related posts

Heshiis dhexmaray Dowladda Suuriya iyo Xoogagga Kurdida Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Abdiaziz Bnnstaff

Mareykanka oo ka digay goobo Muqdisho ku yaala oo ay weerarro ka dici karaan

Abdiaziz Bnnstaff

DEG DEG Syria oo hogan Cusub yeelatay & Gudaha Guriga Bishaar Al-asad iyo wixii lagu arkay

Abdiaziz Bnnstaff