Borama News Network

War ka soo kordhay weerarkii Al shabaab ee hoteelka Baladweyne

Wararka laga helayo magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya, in la soo af-jaray weerarkii hotelka Qaahira oo ku yaala galbeedka magaalada, sida ay ku warramayaan warbaahinta madaxa banana e Baldweyne.

Qaraxa ka dib ayaa waxaa gudaha u galay hoteelka dabley hubaysan, ayadoo la maqlayey rasaas xooggan oo ka dhacaysay gudaha hoteelkaas.

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas lagu qaaday Hotel Qaahira, halkaasoo ay shir ku lahaayeen odayaal dhaqameed ka tirsan beel halkaa degta oo sida ay dad goobjoogeyaal ah sheegeen ka arrinsanayey sidii ay qayb uga qaadan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda gobolka iyo gobollada u dhow.

Ilo xog-ogaal ah ayaa BBC u xaqiijiyey in dadka dhintay ay ku jireen seddex nabaddoon oo ka mid ah odayaashii halkaa ku shirayey, waxaana magacyadooda lagu sheegay Aadan Raaxo-jecel, Aadan Indhobuur, iyo Maxamed Cismaan (Ileynaa), halka nabadoon magaciisa lagu soo koobay Islow uu ka badbaaday, laakinse uu dhaawac soo gaaray.

Related posts

Qaar Ka Mid Ah Madaxda Dalalka Africa Oo Dhambaal Hambalyo Ah U Diray Madaxwaynaha La Doortay Ee Maraykanka

Abdiaziz Bnnstaff

Booliiska Soomaaliya oo baaraya Rag hubaysan oo ku eedaysan Dilal ka dhacay Muqdisho

Abdiaziz Bnnstaff

Wiilka Madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo Hortay Maxkamad Ku Taala Magaalada Istanbul Ee Dalka Turkiga.

Abdiaziz Bnnstaff