Borama News Network

War Kasoo Kordhay Xildhibaan Maxamed Abiib Oo Weli Ku Xiran Hargeysa

Gudigga xuquuqul insaanka ee Somaliland ayaa waxaa ay walaac ka muujiyeen xarigga xildhibaan Maxamed Abiib oo muddo labo toddobaad ah ku xiran xabsiga Mandheera.

Guddiga oo booqday xildhibaanka ayaa waxay sheegeen in lagu xadgudbay xasaanaddii xildhibaannku lahaa oo aan la dhowrin.

waxaay dowladda ugu baaqeen in xidhibaanka uu helo xuquuqdiisa dhanka cadaaladda.

Guddiga ayaa waxa ay sheegeen in sii xirnaashaha xildhibaanku ay walaac hor leh keeneyso

Guddiga xuquuqul insaanka ayaa waxa ay soo jeedinayaan in sida ugu dhaqsaha badan uu u helo xuquuqdiisa cadaaladeed.

BBC-da oo la xiriirtay markale qoyska xildhibaanka ayaa waxa ay sheegeen in xaaladdiisu ay wanaagsantahay isla markaana hooyadii loo ogolaaday in ay booqato oo ay halkaa ugu tagtay.

Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa dhankiisa sheegay in wax dhibaato ah uusan qabin ama aan loo geysan intii uu xirnaa.

Xildhibaan oo weli ku xiran Hageysa ayaan maxkamad lasoo taagin iyada oo guddigu ay sheegeen in aan la tixgelin xildhibaanka maadama uu xasaanad leeyahay.

Jamhuuriiyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland weli kama aysan jawaabin soo jeedinta guddiga xuquuqul insanka.

Related posts

“Jeelka Wax Kale Ayaan Ka Aaminsanaa Balse Waan Soo Bartay” Ugbaad Aragsan Oo Ka Hadashay Xadhigeedii

Abdiaziz Bnnstaff

” Qaranimada Somaliland Cid Su’aal Laga Waydiin Karaa Ma Jirto ” Wasiir Cabdinasir Buuni.

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxweynuhu Uu Ku Saxsan Yahay Xeerka Inuu Soo Celiyo Xeerka Xisbiyada Mucaaridkana Waxaan Lee Yahay Hada.. Riyo Raac

Abdiaziz Bnnstaff