Borama News Network

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya shilkii diyaaradeed ee Koonfurta Kuuriya iyo baaritaan socda Koonfurta Kuuriya

Ilaa 179 oo ka mid ahaa 181 qof oo ku safrayay diyaaradda nooca Boeing 737-800 ayaa geeriyooday, iyadoo keliya ay labo qof ka badbaadeen kuwaasoo shaqaalaha diyaaradda ka tirsan, waxaana qudhooda laga soo badbaadiyay burburka diyaaradda oo gubaneysay.

Diyaaraddan ayaa cago dhigatay Garoonka Caalamiga ah ee Muan oo koofurta dalkaas ku yaalla, iyadoo ka baxday waddada kadibna ku burburtay derbi ay madaxa la gashay.

Duullimaadka tirsigiisu ahaa 2216 ayaa ka yimid Bangkok, Thailand waxaana la socday lix shaqaalaha diyaaradda ah iyo 175 rakaab ahaa, oo badankooda dalxiis u socday.

Baaritaan ku aaddan waxa sababay burburka ayaa socda, iyadoo khubarrada iyo saraakiishu ay u aaneynayaan dhowr waxyaabooda.

Qoysaska oo argagaxsan ayaa isugu soo xoomay garoonka iyadoo ay ilmadu ka qubaneyso, xilli ay sugayeen inay gartaan meydadka ehelkooda.

Qaar ka mid ah dadka dhintay ayaa keliya lagu gartay faro laga qaaday.

Rakaabka dhintay waxaa ka mid ahaa 173 u dhashay Kuuriyada Koofureed iyo labo Thailand u dhashay. Da’doodu waxay u dhaxeysay saddex jir ilaa 78 jir, inkastoo badankooda ay ku jireen da’da 40-meeyada, 50-meeyada iyo 60, meeyada, sida ay shaacisay wakaaladda wararka Kuuriyada Koofureed ee Yonhap.

Related posts

“Safiirka Itoobiya Iyo Safaaradooda Waa In La Eryaa Dadkuna Waa In Ay Isku Soo Baxaan” Xildhibaan Saadiq

Abdiaziz Bnnstaff

Maxaa Ka Jira Wararka Sheegaya In Agaasimaha CID -da Maraykan Uu Safar Qarsoodi Ah Ku Yimid Magaalada Muqdisho

Abdiaziz Bnnstaff

Xildhibaan Barkhad Batuun Oo Si Adag Uga Hadlay Dilkii Cabdinasir Muuse Fariina Adgana U Diray Dowlada Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff