Borama News Network

Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed ka dhacay xuduuda meel u dhaxeysa Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal shalay ka dhacay xuduuda ay wadaagaan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, kaas oo u dhexeeyay labada maleeshiyo beeleed oo daga halkaasi.

Dagaalka oo soo gaaaray illaa gelinkii dambe ee Jimcihii ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Ceeldheere oo ku yaalla xadka ka qaybiya labada gobol ee HirShabelle.

Ilo wareedyo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalkan ay ku dhinteen in ka badan ill 10 qof oo isugu jiray dhinacyada dagaalamay iyo dad kale oo shacab ah.

Xaaladda deegaanka ayaa weli aad u kacsan, waxaana is horfadhiya maleeshiyaadka labada beelood oo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo kasii wada halkaasi.

Sidoo kale maleeshiyaadka ayaa weli wada isku hub aruursi, waxayna helayaan gurmadyo gaaraya jiidda hore ee dagaalka, sida aanu kasoo xiganay dadka deegaanka.

Cabsida ugu badan ee taagan ayaa ah inay mar kale dagaalami karaan labada dhinac, maadaama xaalad kacsanaan ah laga dareemayo xadka labada gobol.

Related posts

Markabkii Ugu Horeeyay Ee Sida Shixnad Gargaar Ah Oo Gaadhay Magaalada Qaza

Abdiaziz Bnnstaff

Sida ay Jabuuti uga hadashay heshiiskii is-afgaradka ee Itoobiya iyo Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

Somaliya Oo Itoobiya Kaga Guulaysatay Galaha Amaanka Ee Qaramada Midoobay Iyo Shir Deg Deg Ah Oo Dhacaya

Abdiaziz Bnnstaff