Borama News Network

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xaalada Magaalada Ceeerigaabo Ee Gobolka Sanaag

Waxaa ilaa xalay deggeneyd xaaladda magaalada Ceerigaabo ee gobolka sanaag, taas oo labadii maalmood ee u dambeeyay ay dagaallo ka dhaceen, sida uu BBC-da u sheegay mas’uul ka tirsan maamulka magaalada Cerigaabo.

Dhanka kale, qof goob jooge ah ayaa inoo sheegay in rasaas laga maqlayay xaafado ka tirsan magaalada Ceerigaabo, inkastoo jawigu ahaa mid nabadeed, kaas oo ka duwanaa labadii habeen ee la soo dhaafay.

Magaalada oo Sabtidii ay ku dagaallameen ciidamada booliska ee magaalada iyo dhallinyaro ka soo jeeda deegaanka ayaa la sheegayaa in maanta qeybo ka mid ah ay daganeyd.

Dagaaladaas ka dhacayay qeybo kamid ah magaalada Ceerigaabo oo ku fiday Koonfurta magaalada, ayaa la sheegay in uu salka ku hayo dhallinyarada deegaanka oo taageersan Khaatumo ay doonaya in ay ka hirgeliyaan magaalada maamul ay leeyihiin halka Somaliland ay dooneyso sida la sheegay in magaalada ay ku shaqeyso heshiiskii hore ee lagu dhistay Somaliland.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka. Guddoomiyaha gobolka Sanaag oo aan wax ka weydiinnay arrimahan ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo.

Related posts

Xasan Sheekh Jubaland Ayuun Xasuusinayaa Waxii Uu Ka Sameeyay 2013kii” Madaxwayne Axmed Madoobe

Abdiaziz Bnnstaff

21 Qof Oo Isku Qoys Ah Oo Ku Dhintay Duqayn La Sheegay In Ay Ka Dhacday Shabeelaha Hoose

Abdiaziz Bnnstaff

Diyaaraddii sidday madaxweyne ku-xigeenka Malawi oo la waayey

Abdiaziz Bnnstaff