Borama News Network

Wararkii ugu dambeyay ee xaaaladda degmada Luuq oo dagaallo culus ay shalay ka dhaceen

Wararka ka imaanaya degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka xaaladdu ay deggentahay, iyadoo shalay halkaa uu ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay laba meleeshiyo beeleed.

Dagaallada ayaa saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacayay Luuq hase-yeeshee dagaalkii ugu cuslaa ayaa shalay dhacay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dagaalkii shalay ay ku dhinteen dad ka badan dhowr iyo toban qof, tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacantay.

Dad badan ayaa sidoo kale shalay magaalada ka barakacay, kuwaas oo naftooda kala baxsanaya isku dhacyada meleeshiyo beeleedka.

Luuq in dhawaalaba waxay ahayd meel xasilloon, ilaa iyo haddana si rasmi ah looma oga sababta ka dambeysa dagaalka dhowrka maalmood ka dhacayay degmadaas.

Dowladda federaalka iyo maamulka Jubaland ayaa labaduba baaq u diray dhinacyada halkaa ku dagaallamaya, iyagoo ku booriyay in ay xabadda joojiyaan.

Related posts

Dowlada Itoobiya Oo Diiday Ka Qayb Galka Shirkii Urur Goboleedka IGAD Ee Ay Jabuuti Abaabulaysay

Abdiaziz Bnnstaff

“Raga Muuse Askarinimada Ku Caayayow ,Muuse Waa Askarigii Shalay Idinka Guuleystey.”C/casiis Samaale

Abdiaziz Bnnstaff

Gaashanbuurta NATO Oo Wacad Ku Martay In Ay U Dagaalamayso Xubinimada Ukraine Iyo Ku Garabsiinta Dagaalka Ka Dhanka Ah Ruushka

Abdiaziz Bnnstaff