Borama News Network

Wararkii Ugu Dambeyay Ee Xaaladda Raaskambooni Iyo Dhinacyada Dagaallamay Oo Hadlay

Wararka laga helayo deegaanka Raaskambooni iyo aagagga ku xeeran oo shalay dagaallo ka dhaceen ayaa sheegaya in saaka xaaladdu deggantahay oo aan la soo warin wax dagaal ama iska horimaad ah.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaalka shalay ka dhacay Raaskambooni oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda federaalku ay halkaasi gaysay iyo kuwa maamulka Jubaland.

War qoraal ah oo lagu baahiyay bogga Facebook ee Wakaaladda Wararka Soomaaliya ayaa lagu yiri: ”Dawladda federaalka ah ee Soomaaliya oo gudanaysa waajibka ka saaran badbaadinta dhiigga Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidamada Qaranka ayaa amartay Ciidamo ka tirsan Ciidanka Qaranka oo loo geeyay Gobalka Jubada hoose in ay Kala wareegaan Atmis in ay halkaas dib uga baxaan,”.

Dowladda ayaa ku eedeysay madaxweynaha maamulka Jubaland inuu go’aansaday inuu iska horkeeno labada ciidan, iyadoo intaasi raacisay in ciidamadu aaney amar u haysan in ay la dagaallamaan cid aan ka ahayn Al-Shabaab.

Dhanka kale Wasiir ku xigeenka Amniga Gudaha Jubaland Aadan Axmed Xaaji oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dagaal saacado badan qaatay ay ciidamada maamulkiisu kula wargeen deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubada Hoose.Wuxuu ku eedeyay dowladda federaalka in ciidamadii caalamku u tababaray ay si qaldan u adeegsatay, isagoo sidoo kale sheegay in dagaalka ay ku qabteen ciidan hub iyo gaadiid isla markaana ay jiraan ciidamo ka dhaawacmay dhanka dowladda oo ay gacanta ku hayaan, waxaana uu xusay in si wanaagsan loola dhaqmayo ciidamadaas dhaawacyada qaba.

Marka laga yimaado labada dhinac iyo sida ay uga warrameen xaaladda dagaalka dhacay, ma jirto cid ka madax bannaan oo xaqiijin karta sida wax u dhaceen iyo khasaaraha dhabta ah ee dagaalka ka dhashay.

Related posts

Dowlada Masar Oo Shacabkeeda Uga Digtay In Ay Safraan Somaliland Kuwa Joogana Ugu Baaqday In Ay Deg Deg Uga Soo Baxaan

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwaynayasha Kenya Iyo Ugand Oo Warsaxafaded Kasoo Saray, Bixitaanka Ciidamadda Atmis Ee Somalia.

Abdiaziz Bnnstaff

Hadii Aan Shalay Madi Ahayn Maanta Waxaan Helnay Walaal Garabkeena Taagan”Wasiiru Dowladaha Amniga Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff