Borama News Network

Wararkii ugu dembeeyey ee xaaladda Lubnaan iyo tirada dhimashada oo gaadhay wax ka badan afar boqol

Ugu yaraan 492 qof ayaa lagu dilay duqeymo xooggan oo ballaaran oo ay Israa’iil ku qaadday Xisbullah oo ku taal Lubnaan, wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay, maalintii ugu dhimashada badneyd ee colaadda halkaas ka dhacday ku dhawaad 20 sano.

Kumannaan qoys ayaa sidoo kale ka qaxay guryahoodii iyadoo militariga Israa’iil ay sheegeen in ay 1,300 oo bartilmaameed u ah Xisbullah ay garaaceen howlgalkasna ay ku burburiyeen kaabayaasha dhaqaalaha oo ay kooxda hubeysan dhisatay tan iyo dagaalkii 2006-dii. sida ay militariga Israa’iil sheegeen.

Dhanka kale, Xisbullah ayaa in ka badan 200 oo gantaal ku garaacday waqooyiga Israa’iil, sida uu sheegay milaterigu. Shaqaalaha caafimaadka ayaa sheegay in labo qof ay ku dhaawacmeen firirka.

Quwadaha adduunka ayaa ku baaqayay in la is xakameeyo iyadoo labada dhinacba ay u muuqdaan kuwo ku sii siqaya dagaal ballaaran

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in 35 carruur ah iyo 58 haween ah ay ku jiraan dadka dhintay, halka 1,645 kalena ay ku dhaawacmeen.

Ma aysan sheegin wasaaraddu sida khasaarugu ugu kala qayb san yahay dadka rayidka ah iyo kuwa dagaalamay.

Wasiirka caafimaadka dalkaas Firass Abiad, ayaa sheegay in kumannaan qoys ay sidoo kale ku barakaceen duqaymaha.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa walaac ka muujiyay xaaladda sii xumaanaysa, wuxuuna sheegay in aanu doonayn in Lubnaan ay noqoto “Qasa kale”.

Madaxa arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell, ayaa sheegay in ” iska hor imaadku yahay mid aad khatar u ah oo welwel leh” ka hor kulanka hoggaamiyeyaasha adduunka ee kulanka guud ee Qaramada Midoobay ee York, isagoo raaciyay “waxaa lagu dhow yahay dagaal buuxa”.

Madaxweyne Joe Biden, ayaa sheegay in Maraykanku “ay ka shaqaynayeen hab dadka u ogolaanaya inay si nabad ah ugu soo laabtaan dalkooda.

Ku dhawaad hal sano oo uu socday dagaalka xudduudaha ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xisbullah oo ka dhashay dagaalka Qasa, waxaa ku dhintay boqollaal qof oo u badan dagaalyahannada Xisbullah, waxaana ku barakacay tobanaan kun oo labada dhinac oo ah dadka deggan xudduudaha ah.

Pentagon-ka ayaa sheegay in ay “tiro yar” oo dheeraad ah oo ciidamo Mareykan ah u dirayaan Bariga Dhexe iyada oo ay jirto in xiisaddu sii kordheyso.

“Marka la eego xiisadda sii kordheysa ee Bariga Dhexe iyo taxadarka badan, waxaan u direynaa tiro yar oo dheeraad ah oo ka tirsan militariga Mareykanka si ay u xoojiyaan ciidamadeena horeyba ugu sugnaa gobolka,” ayuu yiri afhayeenka Pentagon-ka Maj Gen Pat Ryder. warbixin kooban oo ay la siiyeen wariyaasha. Kama jawaabin su’aalaha daba-galka ah ee ku saabsan waxyaabaha gaarka ah.

Warbaahinta Lubnaan ayaa sheegtay in mowjadihii ugu horreeyay ee duqeymaha cirka ee Israa’iil ay billowdeen abbaare 06:30 xilliga maxalliga ah Isniintii.

“Waxay ahayd wax laga naxo, gantaaladu waxay ku duuleen madaxeena. Waxaan ku soo toosnay dhawaqa qaraxyada, ma aanan fileyn tan,” ayay tiri haweeney.

Dhowr magaalo iyo iyo tuulooyin ayaa maalintii oo dhan lala beegsaday duqaymaha kuwaas oo kala Siidoon, Marjayoun, Nabatiih, Bint Jbeyl, Turos, Jezzine iyo Zahraani oo ku yaal koonfurta Lubnaan, iyo sidoo kale degmooyinka Zahle, Bacalbeq iyo Hermel ee bariga Dooxada Bekaa , sida ay sheegtay wakaaladda wararka qaranka ee NNA.

Qoys ka kooban afar qof oo saarnaa mooto ayaa BBC kula hadlay Beyruut xilli ay muddo yar joogsadeen iyagoo ku sii jeeda waqooyiga magaalada Tripoli. “Maxaad doonaysaa inaan nidhaahno, waanu cararnay,” ayuu aabbihii yiri isagoo welwelsan.

Wasiirka warfaafinta Ziad Makary, ayaa sheegay in wasaaraddiisu ay heshay taleefoon Israa’iil ah oo loogu baaqayo in ay ka guurto dhismaha ay ku leedahay Beirut. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ku adkaystay inaysan u hoggaansami doonin waxa uu ugu yeeray “dagaal maskaxeed”.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Najib Mikati, ayaa shirka golaha wasiirada ka sheegay: “Weerarka gardarrada Israa’iil ee Lubnaan waa dagaal lagu baabi’inayo macno kasta.”

“Waxaan ka shaqeyneynaa dowlad ahaan sidii aan u joojin lahayn dagaalkan cusub ee Israa’iil iyo in aan ka fogaano in aan hoos ugu dhicin aan la garanayn,” ayuu raaciyay.

Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa bayaan ay soo saareen fiidnimadii Isniintii ku sheegay in diyaaradahoodu ay duqaymo la beegsadeen ku dhawaad 1,300 oo “Bartilmaameedyo Argagixiso” ee Xisbullah oo ku yaalla koonfurta Lubnaan iyo Dooxada Bekaa, halkaas oo ay ku sheegtay laga soo gano gantaallada iyo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

“Asal ahaan, waxaan beegsaneynaa kaabayaasha dagaalka ee Xezbollah ay dhiseysay 20-kii sano ee la soo dhaafay. Tani waa mid aad muhiim u ah, “Taliyaha Guud ee Ciidamada IDF, Lt Gen Herzi Halevi, ayaa u sheegay taliyayaasha magaalada Tel Aviv.

“Ugu dambayntii, wax walba waxa ay diiradda saarayaan abuurista shuruudo lagu soo celinayo dadka deggan waqooyiga guryahooda.

Related posts

“Waxaan iska casilay xubinimadii iyo xilkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye” Xil Cabdirashiid Nuur..

Abdiaziz Bnnstaff

Cali Jeyte: “Ciidanka Baladweyne Xalay Soo Weeraray Jowhar Ayey Ka Soo Baxeen, Halkaas oo…..

Abdiaziz Bnnstaff

Codka Aanu Hayna Kaah Iyo Wadaniba Wuu Ku Filanyahay Wayna Soo Baxayaan” Gudoomiye Cali Xaamud Jibriil

Abdiaziz Bnnstaff