Borama News Network

Warrarkii ugu dambeeyey iyo tirada dadka ku dhintay shilkii diyaaradeed ee dalka Brazil

Diyaarad nooca rakaabka qaada ah ayna la socdeen rakaab dhan 61 qof ayaa ku burburtay gobolka São Paulo ee dalka Brazil.

Diyaarada oo ahayd nooca labada mator laha ah ee ‘Turboprop- ayaa ka soo duushay magaalada Cascavel ee koonfurta Paraná kuna sii jeeday gegida diyaaradaha ee Guarulhos ee magaalada São Paulo, ka dibna waxay ku dhacday xaafado la deggan yahay oo ku yaalla magaalada Vinhedo sida ay sheegtay shirkada Voepass airline.

Muuqaalo lagu faafiyey baraha bulshada ayaa muujinaya diyaarad oo si toos ah u soo dhacaysa, iyadoo ruxmaysay marka ay soo dhacaysay.

Diyaaradan oo nooceedu ahaa ATR 72-500 ayaa waxaa saarnaa 57 rakaab ah iyo afar shaqaale ah. Maamulka deegaanka ayaa sheegay in aysan jirin cid ka badbaaday shilka.

Saraakiishu ma aysan sheegin magacyada dadka saarnaa iyo inay ku jireen dadkaasi ajnabi iyo in kale.

Madaxweynaha Brazil, Luiz Inácio Lula da Silva, ayaa muujiyay sida ay u garab taagan yihiin qoysaska iyo asxaabta dhibanayaasha.

Guddoomiyaha gobolka São Paulo, Tarcísio Gomes de Freitas, ayaa ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroor diiq ah.

Maamulka ayaa sheegay in qalabka duuba macluumaadka duulimaadka la soo saaray. ATR, oo ah shirkadda ay leeyihiin dalalka Faransiiska iyo Talyaaniga oo samaysa diyaaradaha ayaa sheeegtay inay ku biirayaan baaritaanadda.

Inkasta oo diyaaradu ku dhacday xaafado la deggan yahay haddana ma jirto sida maamulku sheegay cid wax ku noqotay halkii ay ku dhacday.

Saraakiishu waxay sheegeen in hal guri oo ku yaalla aaga diyaaradu ku dhacday uu burburay.

Muuqaalka baraha bulshada lagu faafiyey wuxuu sidoo kale muujinayay dhul ballaaran oo dab ka kacay. Booliska iyo dabdamiska ayaa goobta gaary si dabka kacay loo damiyo.

Sida laga soo xigtay bogga raadraaca ee Flightradar24, diyaaradda waxay ka duushay Cascavel 11:56 waqtiga maxalliga ah basle digniintii ugu dambaysay ee laga helay diyaaradda waxay ahayd saacad iyo badh ka dib duulimaadkeeda.

Hay’adda duulista rayidka ee Brazil ayaa sheegtay in diyaaradda ay ku jirtay “xaalad hawleed wanaagsan, ayna ku jirtay aqoonsi diiwaan galineed oo sax una qalantay inay duulimaadyo samayso.

Waxay intaas raacisay in afartii shaqaalaha ahaa oo ay ku jireen duuliyasha diyaaradu ay “ ay dhammaantood siteen shati sax ah waxayna lahaayeen shahaadooyin sax ah,” ayay intaas raacisay.

Cisbitaalka Kansarka ee Uopeccan ee Cascavel ayaa BBC Brasil u sheegay in laba ka mid ah dhakhaatiirtooda ay ka mid ahaayeen rakaabkii dhintay.

Goob joogayaal ku sugnaa aagga diyaaradu ku dhacday oo ka mid ahaa dadka deegaanka ayaa sheegay

“Markii aan maqlay dhawaqa diyaaradda soo dhacaysa, waxaan ka eegay daaqadda guriga oo aan arkay xilliga ay burburtay,” Felipe Magalhaes ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Madaxweyne Lula ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay shilkaas diyaaradeed ee ka dhacay Brazil.

“Waxaan aad ugu xumay warkan aadka u xun, waxaana jeclaan lahaa in qof walba uu u istaago si aan u helno hal daqiiqo oo aamusnaan ah,” ayuu yiri isagoo hadlayey.

Magaalada Valinhos ee u dhow ayaa u dirtay 20 ka tirsan shaqaalaha gurmadka goobta shilku ka dhacay si ay qayb uga noqdaan hawlgal wadajir ah, sida ay sheegeen maamulka deegaanka.

ATR, ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in lagu wargeliyay shilka duulimaadka sumadiiisu ahayd ATR 72-500.

“Khubarada ATR waxay si buuxda ugu hawlan yihiin inay taageeraan baaritaanka iyo macaamilka labadaba.”ayaa lagu bayaanka ay soo saareen.

Waa shilkii ugu xumaa ee ka dhaca dalka Brazil tan iyo sanadkii 2007-dii, markaasoo diyaarad ay leedahay shirkadda TAM Express ay ku burburtay, kuna gubtay garoonka diyaaradaha ee magaalada São Paulo halkaasoo ay ku dhinteen 199 qof.

Related posts

Maraykanka Oo Sheegay In Uu Joojinayo Hub Culus Oo Uu Siinayay Isreal

Itoobiya oo Saldhigyadii Godey hawl gelinaysa, xilli Masar Ciidamo keenayso Somalia

Abdiaziz Bnnstaff

Daawo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaalka Somaliyda Iyo Canfarta Oo Mar Kale Dib Ugu Bilaabmay Deegaanada Gobolka Siti

Abdiaziz Bnnstaff