Borama News Network

Wasaaradda caafimaadka Gaza oo sheegtay in dadka rayidka ah ee Gaza lagu dilay ay gaadhayaan 29,313

Israa’iil ayaa xoojisay duqeymaha ay ka waddo degmada Rafah ee koonfurta Marinka Gaza, kaddib marki la xaqiijiyay in Arbacadi shalay 12 xubnood oo hal qoys ahaa lagu dilay duqeyn cirka ah oo ay fuluyeen ciidamada Israil.

Dadka deegaanka Rafax ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay, in dhowr madfac lagu duqeeyay qeybo ka mid ah Rafax, halka ciidanka badda Israil oo isticmaalaya doonyo ay rasaas ku fureen dadka ku nool agagaarka xeebta Rafax.

Sawir-qaade ka tirsan Reuters oo ku sugan Rafax ayaa sheegay, in 12-ka qof ee la dilay ay ka wada tirsanaayeen qoyska Al Nuur. Dadka dhintay ayaa waxaa ku jiray carruur da’yar.

Milatariga Israel ayaa Arbacadi sheegay in ay xoojiyeen dagaalka ay ka wadaan degmada Khan Younis, oo dhanka waqooyi uga beegan Rafax. Ma eysan sheegin in ay weerari doonaan Rafax iyo in kale.

Wasaaradda caafimaadka Gaza ayaa sheegtay Arbacadi in dadka rayidka ah ee Gaza lagu dilay ay gaarayaan 29,313, halka dhaawacana uu caga-cageynayo 69,333.

Related posts

Toogasho Ay Dad Ku Dhinteen Oo Ka Dhacday Dalka Mareykanka Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya Toogashadaasi

Abdiaziz Bnnstaff

Qodoba ay isku afgarteen Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble iyo Gudida nabadda Somaliland

Deg Deg Booliska Somaliland Oo War Ka Soo Saaray Xidhiga Cismaan Cumar Dool Iyo Waxyaabaha Loo Haysto

Abdiaziz Bnnstaff