Borama News Network

Wasiir Arrimaha Dibadda Soomaaliya “Ciidamada Itoobiya waxay doonayaan in ay qasab ku sii joogaan Soomaaliya, taasina sax maaha”

Wasiirka arrimaha dibadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in dowladda Itoobiya qorsheynayso in ay si qasab ah ciidamadeeda ku sii joogaan gudaha Soomaaliya, xilli uu socdo qorshaha howlgal cusub oo badalaya askarta ATMIS.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in isku dayadaan ay wadaan mas’uuliyiin sare oo Itoobiyaan ah, isla markaasna ay sheeganayaan in uu dhiig badan kaga baxay gudaha Soomaaliya, ayna si fudud uga baxeyn.

“Waxaan arkaynaa in mas’uuliyiin Itoobiyaan ah ay isku dayayaan in ay ciidamadooda qasab ku sii joogaan Soomaaliya, kuwaasi oo u dhaqmaya sidii ciidan aan ka tirsaneyn howlgalka ATMIS, taasina sax maaha, go’aanka dalalka kamid noqonaya howlgalka cusub ee Soomaaliya wuxuu u yaalla dowladda Federaalka” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa uu ka hadlay sababihii keenay in ay natiijo la’aan ku soo dhammaadaan wada hadalada Turkiga, isaga oo sheegay in ay weli Itoobiya iska indho-tireyso sharciyadda caalamiga ah iyo madax bannaanida Soomaaliya.

Hadalka Wasiirka ayaa ku soo aadaya xilli uu socdo qorshaha bixitaanka howlgalka ATMIS oo ay qeybta ka yihiin ciidamada Itoobiya oo ku sugan qeybo kamid ah deegaannada bartamaha iyo koofurta Soomaaliya.

Related posts

Kooxo Dabley hubaysan Ah Oo In Ka Badan 100 Qof Oo Rayid Ah Ku Dilay Rariga Dalka Burkina Faso

Abdiaziz Bnnstaff

Raashinkii Iyo Shidaalkii Ciidanka Xooga Dalka Somaliya Ee Danab Oo La Dhacay Iyo Maraykanka Oo Joojiyay Taageeradii Dhanka Saadka Ee Ciidanka

Abdiaziz Bnnstaff

Hormar laga sameeyay wadaxaajoodyada Xamas iyo Israa’il

Abdiaziz Bnnstaff