Borama News Network

Wasiirka Arrimaha Debadda Soomaaliya oo sheegay in aan Itoobiya loo ogolaan soo galida Badda Cas

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay warar saacadihii la soo dhaafay soo baxayay oo la xiriiray in Itoobiya loo ogolaaday soo galida Badda Cas.

Qoraal kooban oo uu soo saaray Wasiir Fiqi ayaa sheegay in dowladda wararkaasi ay been abuur yihiin, isla markaasna aysan rasmi ahayn.

“Waxaan si cad u beeninayaa wararka sheegaya in Itoobiya loo ogolaaday soo galida Badda Cas. Wararkaasi waxba kama jiraan wax sal iyo raad ahna malahan” ayuu yiri Mudane Fiqi.

Isaga oo sii hadlaya ayaa waxaa uu sheegay in markasta ay ilaalinayaan Madaxbannaanida dalka iyo danaha guud ee Qaranka.

“Soomaaliya waxaa ka go’an ilaalinta madax-banaanideeda iyo xaqiijinta danaha qaranka” ayuu yiri Wasiir Fiqi

Hadalka Wasiirka ayaa ku soo aadaya xilli saacadihii la soo dhaafay baraha bulshada lagu faafinayay warar la xiriira in Itoobiya si buuxda loogu oggolaaday in ay gasho Badda Cas. Itoobiya ayaa ah dal aan wax bad laheyn, muddo dheerna baadi goobayay bad ay hilaan.

Related posts

Dowlada Shiinaha Oo Faahfaahin Ka Bixisay Dhul Gariir Xoogan Oo Dalkaasi Ka Dhacay

Abdiaziz Bnnstaff

Caaqil Sanyare Oo Kamid Ah Cuqaasha SSC Khaatumo Oo U Jawaabay Faysal Cali Waraabe Oo Oog Ka Hadlay

Maraykanka oo sheegay in uu ka fiirsanayo cunaqabatayn dheeraad ah uu kusoo rogo Ruushka.

Abdiaziz Bnnstaff