Borama News Network

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Oo La Kulmay Hoggaamiyaha Cusub Ee Suuriya

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa la kulmay hoggaamiyaha maamulka cusub ee Suuriya, Ahmad al Sharaa.

Kulanka Axadda ka dhacay magaalada Dimishiq ee caasimadda dalka Suuriya, ayaa ku soo beegmaya laba toddobaad ka dib markii Bashaar Al-asad, hoggaamiyihii Suuriya ee ku dhawaad ​​25 sano, lagu afgambiyay hawl-gal danab ah oo ay fuliyeen xoogagga mucaaradka.

Sida laga soo xigtay ilo diblomaasiyadeed, wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Nuux Yilmaz iyo ku-simaha wakiilka Turkiga ee safaaradda Dimishiq, Burhaan Koroglu, ayaa sidoo kale ku sugnaa kulanka.

Esaad Hassan Shaibani, oo loo magacaabay wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda KMG ah ee Suuriya, ayaa sidoo kale la kulmay wafdiga Turkiga.

Diblomaasi sare oo Maraykan ah oo u qaabilsan Bariga Dhexe ayaa sidoo kale u safray Dimishiq Jimcihii, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda. Waxa uu la kulmay saraakiil ka socota Hayat Tahrir al Sham (HTS) si uu ugala hadlo baahida loo qabo hannaan siyaasadeed “loo wada dhan yahay”.

Related posts

Wariye Cabdisalan Hereri Oo Sheegay In Uu Ka Badbaaday Rasaas Ay Ku Fureen Booliska Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

Ururka Qareennada Somaliland (SOLLA) oo Ka Qaybgalay Shir Caalami ah oo Lagu Qabtay Dakar, Senegal

Mustafe haji

Dowladda Soomaaliya Oo Dalka Dib Ugu Soo Celisay 22 Dhallinyaro Ah Oo Ku Xernaa Suudaan

Abdiaziz Bnnstaff