Borama News Network

Wasiirka Difaaca Oo Sheegay In Ay Socdaan Baaritaanno Lagu Hubinayo Weerarkii Ka Dhacay Xerada Goordan

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo khadka taleefonka kula hadlay Wasiiru Dowlaha Difaaca ee Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa uga tacsiyeeyay xukuumadda, shacabka iyo ciidanka dowladda saraakiisha Imaaraadka ahaa ee ka dhalatay weerarki argagixiso ee ka dhacay xerada Goordan.

Saraakiisha geeriyootay ayuu sheegay wasiirku in ay yihiin halyeeyo sumad u ahaan doona kaalinta dowladda Imaaraadku kaga jirto la dagaallanka argagixisada caalamiga ah iyo dib u dhiska dowladnimada soomaaliyeed.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Alle uga baryay in uu u naxariisto shuhadada, inta dhaawaca ahna uu u booga dhayo, ehelkoodina samir iyo iimaan ka siiyo. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay dowladda.

Sidoo kale warka ka soo baxay dowladda ayaa lagu sii yiri, “Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay socdaan baaritaanno lagu hubinayo wixi dhacay, iyo in falka argagixisada ee fulaynimada ahi uusan waxba u dhimi doonin xiriirka iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee laba dal.”

Fiidnimadii Sabtida xerada tababarka ee Jeneraal Goordan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay weerar uu fuliyey askari ka tirsan askar tababar loogu soo xiray xerada, waxaana ku dhintay macalimiintii tababarka bixinaysay oo u dhalatay dalka Imaaraadka iyo askar kale oo ka tirsan ciidanka dowladda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku tagay Isbitaalka Digfeer oo la geeyay dhaawacyada saraakiisha ayaa sheegay in si degdeg ah dowladda wax ugu qabanayso falka ka dhacay xerada tababarka ee Jeneraal Goordan.

Related posts

Dhalinyarada Aqoonyanka Reer Somaliland Oo War Cusub Soo Saaray

Abdiaziz Bnnstaff

Midowga Yurub Oo Soo Jeediyay In Aan La Baryin Isreal Lakiin La Qaado Talaabo Culus

Abdiaziz Bnnstaff

“Dad Badan Oo Internetka Wax Ku Iibiya 99% Waxay Sheegayaan Waa Been…” Sheekh Xamse Xabiib Xuseen

Abdiaziz Bnnstaff