Borama News Network

Wasiirkii Dagaalka Ee Israa’iil Benny Gantz Oo Xilikii iska casilay

Wasiirkii Gaashaandhigga Israel oo ka tirsanaa gGlaha Wasiiradda Dagaalka ee Israa’iil, Benny Gantz ayaa iska casilay xilkii uu ka hayey dowladda.

Shir jaraa’id oo uu qabtay ayuu ku sheegay in ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu uu ka hortagayo waxa uu ugu yeeray guul dhab ah oo laga gaaro dagaalka ka dhanka ah Xamaas, wuxuuna sheegay in ay tahay in uu muddeeyo waqtiga doorashada. Mr Gantz waxa uu damacsanaa in uu hadalkan jeediyo sabtida balse waxa uu dib ugu dhigay iyada oo la eegayey howlgalka soo furashada la haystayaasha Israa’iil.

Ka bixitaanka xisbigiisa ma dumin doono dowladda, laakiin waxay kordhin doontaa cadaadiska Mr Netanyahu ee dhaleeceynta kaga imaaneyso gudaha iyo dibadda.

Bishii la soo dhaafay, Mr Gantz ayaa 8 June u qabtay Mr Netanyahu si uu u qeexo sida Israa’iil ay ku gaari lahayd lixda qoddob ee “Himilooyinka istaraatiijiyadeed”, oo ay ku jiraan dhammaadka xukunka Xamaas ee Gaza iyo sameynta maamul rayid ah oo caalami ah oo dhulka ah.

Related posts

Cumar Cabdirashiid: “Dadka Soomaaliyeed Waa In Ay Diyaar u Ahaadaan Dagaal Uu Ku Dhiirran Karo Abiy Ahmed”.

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Cabdiraxman Ciro Oo War Ka Soo Saaray Safarkiisa Uu Ku Joogo Dalka Imaaradka Carabta

Abdiaziz Bnnstaff

Ugu Yaraan 40 Qof Oo Ku Dhintay Roobab Waawayn Oo Ka Da’ay Galbeedka Dalka Yeman

Abdiaziz Bnnstaff