Borama News Network

Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Hargeysa Ku Geeriyooday

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqaday ee Somaliland ku geeriyooday xalay, Yuusuf Xasan Ibraahim (Yuusuf Dheeg) oo horey dowladdii ku meel-gaarka ahyad ee Soomaaliya uga soo noqday wasiirka arrimaha dibadda.

Yuusuf Dheeg ayaa sidoo kale ahaa khabiir ciidan iyo diblomaasi sare oo dalal kala duwan safiir ka soo noqday.

Xilalka uu soo qabtay waxaa ka mid ahaa inuu soo noqday taliyihiii ciidamada cirka xilligii dowladdi kacaanka.

Dadka aqoonta u lahaa waxaa ay ku tilmaameen inuu ahaa nin aad ugu xeel-dheer arrimaha ciidamada iyo diblumaasiyadda.

Related posts

Dowladda Ruushka oo Golaha Ammaanka ku tilmaantay Munaafaqiin labo Wajiile ah

Abdiaziz Bnnstaff

“Maanta waa maalintii ugu liidatay ee Somaliland soo martay” Wasiir Hore Duur

Abdiaziz Bnnstaff

“Maanta waxaan ka guurnay reero ciidamo leh waxan u guurnay qaranimo” Madaxweyne ku xigeenka Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff