Donald Trump ayaa hadda la hadlay saxafiyiinta xilli uu ka soo kicitamay bariga dhexe.
Madaxweynaha Mareykanka oo la weydiiyay in uu taageersan yahay qorshaha Israa’iil ay ku ballaarineyso duullaanka ay ku heyso Gaza, wuxuu yiri, “Waan arki doonnaa waxa dhaca”
Waxa uu intaa ku daray inuu u maleynayo “waxyaabo badan oo wanaagsan ayaa ka dhici doona bisha soo socota” Gaza, laakiin ma bixin wax faahfaahin ah.
Trump ayaa sidoo kale sheegay in Mareykanka uu u baahan yahay inuu “caawiyo Falastiiniyiinta” wuxuuna qiray “dad badan ayaa gaajo u dhimanaya”.
Markii tafatirahayaga Waqooyiga Ameerika Anthony Zurcher uu wax ka waydiiyay qorshaha suurtagalka ah ee Xamaas ay ku doonayso in ay xukunka iskaga wareejiso, Trump waxa uu yidhi: “Waxa aanu eegaynaa wax walba, laakiin waxa aanu doonaynaa in aanu dib u soo ceshanno la haystayaashii.”