Borama News Network

Waxaa Dib u Billowday Duulimaadka Diyaaradaha Muqdisho Iyo Baydhabo Oo Saacado Hakad Ku Jiray

Duullimaadka Diyaaradaha Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ayaa dib ugu billowday kaddib markii uu xayirnaa saacado, Dadkii ku qornaa in ay isaga kala gudbaan Labadaan Magaalo oo ku xayirnaa Garoomada Diyaaradaha ayaa ugu dambeyn safarkooda galay.

Sida ay Mustaqbal u sheegeen qaar kamid ah Dadkii xayiraaddaan kooban ay saameysay waxaa u suuragashay in ugu dambeyn safarkooda ay galaan, Dadkii u socday Baydhabo ayaa raacay Diyaaraddii ay Tikitka ka heysteen halka kuwa usoo socday Muqdisho sidaas oo kale safreen.

Weli si dhab ah looma ogaan sababta ka dambeysay hakadka kooban ee Duullimaadka Diyaaradaha ee Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, falcelin xooggan oo xitaa ay sameeyeen xubno Xilal haya & kuwo horay usoo qabtay ayaa ka dhalatay arrintaan.

Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedka hoostaga ee Koofur Galbeed ayaa weli ka aamusan mana jirto sabab rasmi ah oo la sheegay in ay ka dambeysay in saacado uu xayirnaado isu gudubka duullimaadka ah ee Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

Related posts

Murashax Cabdiraman Ciro Oo Xasbiga Mandheera Ku Booqday Xildhibaan Maxamed Abiib

Abdiaziz Bnnstaff

Qaar ka mid ah duulimaadyada caalamiga oo maanta baaqday xilli ay soo baxeen digniino amni

Abdiaziz Bnnstaff

“Hubka La isku Qabsado Dawlada Ayaa La Wareegaysa Maxaabiista In Aynu Isdhaafsano Diyaar Baanu U Nahay” Madaxwayne Fardhiye

Abdiaziz Bnnstaff