Borama News Network

Weerarada Isreal Ee Gudaha Dalka Lubnaan Oo Laga Cabsi Qabo In Uu Barakac Ka Dhasho

Duqeymaha Israa’iil ee sii socda ayaa laga yaabaa inay ilaa hal milyan oo qof ku qasbaan inay ka barakacaan guryahooda guud ahaan dalka Lubnaan, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha Lubnaan, Najib Mikati.

“Waa barakaca ugu weyn ee abid laga cabsi qabo inuu dhaco,” ayuu yiri Mikati.

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay, in in ka badan 50 qof ay ku dhinteen duqeymihi Axaddii, laba maalmood ka dib markii Israa’iil ay Beirut ku dishay, hogaamiyihii kooxda Xisbullah, Xassan Nasrallah,

Ha yeeshe Xisbullah ayaa gantaallo dheeri ah ku tuurtay waqooyiga Israel.

Dhanka kale, Israel ayaa sheegtay inay fulisay “duqeymo ballaaran” oo lagu beegsanayo, bartilmaameedyada milatari ee xuutiyiinta dalka Yemen oo Iran ay taageerto.

Related posts

WARAYSI: Muuse BIIXI “ Madaxweyne Ku XIGEENKA Ayaa URUR iibsaday isagoo 15 Ahaa Madaxweyne Ku XIGEEN …

Mustafe haji

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin Oo NATO Uga Digay Dagaal Ay La Gasho Ruushka

Abdiaziz Bnnstaff

Koomishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Ganaax Lacageed Ku Riday Xisbiyada Kulmiye, Wadani Iyo Ururka Kaah

Abdiaziz Bnnstaff