Sida lagu baahiyay barta X ee ZachXBT oo ah bar falanqaysa sidoo kalana baarta khiyaanooyinka ku saabsan lacagaha dijitaalka ah, Bitcoin qiimihiisu gaarayo $330 milyan oo dollar ayaa la xaday iyada oo la adeegsanayo farsamo loo yaqaano “social engineering” taasoo ah khiyaano dadka lagu marin habaabiyo si looga helo xog sir ah ama loo xado hantidooda.
Warbixinnada lagu daabacay barta X ee ZachXBT ayaa muujinaya in qofka dhibbanaha ah uu yahay qof waayeel ah oo ku nool dalka Mareykanka.
Kadib dadaalo badan oo ay sameeyeen ZachXBT iyo shirkadda is-weydaarsiga lacagaha crypto ee Binance ayaa suurtagelisay in la xayiro qiyaastii 7 milyan oo dollar taas oo lala xiriirinayo lacagta la xaday.
Baarayaasha dhacdadaan ayaa waxay aaminsan yihiin in weerarku uu ka yimid khiyaano taleefan, taas oo ay dambiilayaashu ku qanciyeen dhibbanaha inuu siiyo gelitaanka akoonkiisa lacagaha crypto-ga.
Noocan khiyaanada ah, oo inta badan loo yaqaan “social engineering”, ayaa ku tiirsan xeelado maskaxeed oo lagu marin habaabiyo dadka halkii laga isticmaali lahaa weerarro farsamo, si loo dhaafo ama loo jebiyo nidaamyada amniga.
Xogaha la helay ayaa tilmaamaya in shaqsiyaadka lagu tuhunsanyahay in ay xiriir la leeyihiin wicitaanka oo khiyaanada ah, uu ka mid yahay eedeysane isticmaala magaca been abuurka ah “X,” kaasoo la rumeysan yahay inuu ku sugan yahay Boqortooyada Ingriiska isla markaana asal ahaan uu Soomaali yahay.
Qof kale oo lagu magacaabo ‘Work’ ayaa isna la aaminsan yahay inuu ka qayb qaatay qorshahaan. Labadan eedeysane ayaa la sheegay inay masaxeen raadkoodii internet-ka kadib marka ay dhacdadu dhacday.