Borama News Network

Wiilka Madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo Hortay Maxkamad Ku Taala Magaalada Istanbul Ee Dalka Turkiga.

Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud oo ku lug lahaa Shilkii gaari ee uu ku dhintay Muwaadin Turkish ah ayaa waxa uu goobjoog ka ahaa Dhegeysiga Gar-Maqalka Kiiskaasi oo ka furantay Maxkamadda magaalladda Istanbul ee dalka Turkiga.

Gar-maqalka oo si hordhac ah loo dhegeystay ayaa waxa uu Maxamed Xasan ka hadlay qaabkii uu u dhacay Shilkii uu ku geeriyooday Muwaadinka Turkish-ka, oo lagu magacaabi jirey Yunus Emre Göçer.

Shilkaasi ayaa waxa uu dhacay bishii November 30-dii ee sanadkii hore ee 2023-kii, iyadoo gaari uu watay Wiilka Madaxweyne Xasan oo ay leedahay Qunsulliyada Somalia ee magaalladda Istanbul uu ku dhacay Mooto uu watay Muwaadinka Turkish-ka ee Yunus Emre Göçer, kaasi oo 2 isbuuc kadib u geeriyooday dhaawicii ka soo gaaray Shilkaasi.

Dhinaca kale, Maxkamadda magaalladda Istanbul waxay si KMG ah dib u dhigtay Gar-Maqalka Kiiskaasi, iyadoo fasaxday Maxamed Xasan Sheekh, ilaa laga gaarayo Kulanka soo socda ee Maxkamadda oo lagu madalsan yahay bishan January 16-da.

Horey, Madaxweynaha JFS waxa uu kula taliyey Wiilkiisa 40 jirka ee Maxamed inuu dib ugu laabto Turkiga, isla markaana uu goobjoog ka noqdo Kiiska Shilka ee loo haysto.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu bilowgii bishan Tacsida la wadaagay Qoyska Muwaadinka Turkish-ka ee ku dhintay Shilkaasi.

Related posts

Shirkada Meta oo meesha ka saaraysa hannaankeeda hubinta waxyaabaha la soo dhigo Facebook iyo instagram

Abdiaziz Bnnstaff

Shacabka Magaalada Hargeysa Oo Si Adag Uga Hadlay Mooshin La Sheegay In Xilka Lagaga Qaadayo Maayir Mooge

Abdiaziz Bnnstaff

Halis kale oo soo food-saartay dalka Sudan ee ay halakeeyeen dagaalada

Abdiaziz Bnnstaff