Borama News Network

Xaalada Magaalada Ceerigaabo Oo Maanta Kacsan Iyo Wiil Dhalinyaro Ah Oo Ku Dhintay Rasaas Ay Boolisku Rideen

CEERIGAABO: Xaaladda magaalada ayaa kacsan, iyada oo mararka qaar laga maqlayo rasaas Suuqa-hoose, halkaasi oo ciidamada Somaliland ay saaka ka dhoobeen gaadiid dagaal.
Xiisaddan ayaa timi ka dib markii xalay xilli danbe ciidanka Booliiska Somaliland ay weerar ku dileen mid ka mid ah dhallinyarada magaalada oo ka soo jeeda SSC-Khaatumo, iyada oo kolkaas laba askari laga dhaawacay Booliiska SL.
Wiilka la diley oo lagu magacaabo Salmaan Aadan Cabdi ayaa la sheegey in isaga oo dhaawac ah la geeyey Cisbitaalka Guud ee degmada, balse Somaliland waxa ay xidhay ninkii baabuurka ku waday, iyada oo Salmaanna uu hal kaasi dhiig-bax ugu dhintay, sida ay inoo sheegeen ilo-lagu-kalsoonaan-karo.
Xaaladda magaalada Ceerigaabo ayaan cago badan ku taagnayn tan iyo wixii ka danbeeyey dagaalkii Laascaanood.

Related posts

Somaliland Oo Si Adag Naqdisay Qoraallo Ay Dowladda Federaalka u Dirtay Qaramada Midoobay Iyo Midawga Afrika

Abdiaziz Bnnstaff

Dibadbaxyo ka dhashay dhimasho iyo dhaawac oo sababay in uu Madaxweynaha Kenya badalo go’aankiisa

Abdiaziz Bnnstaff

“Madaxweyne Maxjarka Berbera Loo Xidhi Maayo Maxjar Kale, Caddo Gudde Na…..” Boqor Bad Madow

Abdiaziz Bnnstaff