Borama News Network

Xaaladda Caafimaad Ee Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdicasiis Oo Aad Looga Dayrinayo

Wararka ay daabacayaan qaar kamid ah Warbaahinta Dalalka Carabta ayaa kusoo warramaya in xaaladda Caafimaad ee Boqorta Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Salmaan Bin Cabdicasiis Al-Sacuud ay aad u liitado saacadihii lasoo dhaafay.

Warbaahinta sheekadaan ka qortay xaaladda Caafimaad ee Boqorka Sacuudiga ayaa soo xigatay ilo kala duwan oo aanay si toos ah carrabka ugu dhufan balse u xaqiijiyay in la dhigay mid kamid ah goobaha caafimaadka ee boqortooyada u gaarka ah.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in 88 jirkaan dhaxaltooyada u helay hoggaaminta boqortooyada carbeed ee Sacuudiga waa Salmaan Bin Cabdicasiis ay ehelkiisa xubno kamid ah ay ka xog-warraysteen dhaqaatiirta kiiskiisa gacanta ku haysa.

Waxyaabaha inta badan laga diiwaangeliyay kulankaas waxaa kamid ah in uu Boqor Salmaan uu aad u xannuusanayo isaga oo xaaladdiisu kasii darayso marba marka ka dambaysa balse aanay dedaal u raaban doonnin si ay u baxnaaniyaan.

Wiilka uu dhalatay ee boqorka Sacuudiga oo ah Amiirka Dalkaas Maxamed Bin Salmaan ayaa lagu warramay in uu la kulmay qoyska iyo mas’uuliyiinta sida gaarka ah awoodda buuxda ugu leh arrintaan waxaana uu ku wargeliyay in aanay xog la bixin ilaa go’aan kasoo yeera Boqortooyada.

Waxa uu xilkaan Boqor Salmaan la wareegay sanadkii 2015kii kaddib markii uu geeriyooday Walaalkiis Boqor Cabdalla, dad badan oo katirsan nidaamka boqortooyada ayaa boqorkaan xannuunsan ku eedeeyay in uu u gacmo qabtay wiilkiisa Maxamed oo xilka sugashada looga horreeyo.

Related posts

“Somaliya Waali Bay Ka Shaqeynaysaa, Somaliya Iyadaa Somaliland Kusoo Biirtay” Siyaasi Cali Warran Cadde

Abdiaziz Bnnstaff

“Xisbiga Waddani waxaan ugu biiray waxan ka dhex arkay rajadii dadka deegaankayga” Xildhibaan Xeeldheere

Abdiaziz Bnnstaff

Xildhibaan Mahdi Guuleed “Go’aan Taarikhi u Ah Dowladnimadena Ayeey Gaadheen Baarlamaanka Dowlada Somaliya”

Abdiaziz Bnnstaff