Borama News Network

Xaaska mid ka mid ah mucaaradka Uganda oo sheegtay in ninkeeda lagu afduubtay Kenya

Xaaska Kizza Besigye oo ka tirsan mucaaradka Uganda ayaa sheegtay in ninkeeda lagu afduubtay dalka deriska ay yihiin ee Kenya, haatanna uu ku xiran yahay xabsi ciidan oo dalkiisa Uganda ku yaalla.

Qoraal ay soo dhigtay barta X, ayay Winnie Byanyima ku sheegtay in ninkeeda lagu qabtay caasimadda Kenya ee Nairobi Sabtidii lasoo dhaafay, xilli ay socotay munaasabad lagu soo bandhigayay bug oo uu ka qayb galayay.

Waxay sheegtay in hadda lagu hayo xabsi ciidan oo ku yaalla magaalada Kampala, iyadoo dowladda ka dalbatay in ay sii dayso ninkeeda.

Besigye, oo 68 jir ah, ayaa hogaaminaya xisbi siyaasadeedka Forum for Democratic Change (FDC), isagoo kula tartamey afar doorasho oo madaxtinimo Yoweri Museveni oo talada hayay tan iyo 1986-kii.

Related posts

Madaxweynaha Tanzania, oo ugu magaca-dartay Libaax dhib badan hogaamiyaha mucaaradka

Abdiaziz Bnnstaff

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo oo lagu soo dhaweeyay maagalada Baydhabo.

Abdiaziz Bnnstaff

“Maanta heeryada Waan iska tuurayna” Siyaasi Axmed yaasin Sheekh Cali ayaanle

Abdiaziz Bnnstaff